Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

GERMANY

Berlin- Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa booqasho ku maraya dhowr magaalo oo ka tirsan dalka Jarmalka.

Labada quwadood ee ugu waaweyn Midowga Yurub ayaa doonaya inay muujiyaan midnimo ka hor doorashada baarlamaanka Midowga Yurub ee la qorsheeyay inay dhacdo bisha soo socota.

Waa booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne Faransiis ah uu ku tago Jarmalka muddo 24 sano ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

BELGIUM

Brussels – Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa kulan kula qaadanaya magaalada Brussels Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Sacuudiga, Urdun, Masar, Imaaraadka, Qatar iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta.

Kulanka ayaa looga hadlaya xaaladda Bariga Dhexe iyo duulaanka Israel ee marinka Gaza.

Wakiilka Sare ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha siyaadda Josep Borrell ayaa lagu wadaa inuu qabto shir jaraa’id oo ku saabsan qorshaha ay Yurub iyo wadamadan Carabta ku doonayan in ay ku joojiyaan dagaalka ka socda Gaza.

FRANCE

Paris – Xildhibaanada Faransiiska ayaa loo qaybiyay sharci cusub oo ku saabsan inuu qofku is dili karo xilliyada qaarkood, waxaana lagu wadaa in ka doodistiisu ay billaabato dhawaan.

KUURIYADA KOONFUREED

Seoul – Magaalada Seoul waxa ay martigelinaysaa shir madaxeedka 9-aad ee hoggaamiyayaasha Kuuriyada Koonfureed, Shiinaha iyo Japan.

Shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha dhaqaalaha iyo in laga fogaado wax kasta oo halis gelin kara xasiloonida iyo amniga gobolka.

PAPUA NEW GUINEA

Port Moresby – Gobolka Mulitaka ee dalka Papua New Guinea, waxaa ku dhintay in ka badan 670 qof kadib markii uu dhulka la go’ ay Jimcihii lasoo dhaafay.

Tirada dhimashada ayaa laga casbi qabaa inay sii kororto, iyada oo ay sii yaraanayso rajadii laga qabay in la helo dad badan oo badbaaday.

Papua New Guinea waa jasiirad ay ku noolyihiin ku dhawaad 10 milyan oo qof, waxeyna ku taal koonfurta badweynata Pacific-ga.

SHIINAHA

Beijing – Boqorka Bahrain iyo madaxweynayaalka wadamada Masar, Tunisia, iyo Imaaraadka Carabta ayaa lagu wadaa in ay todobaadkan booqdaan Shiinaha ka dib markii ay casuumaad ka heleen madaxweyne Xi Jinping.

Madaxda afarta dal ee Carbeed ayaa ka qayb geli doona furitaanka shirka tobanaad ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua.

TAIWAN

Taipei – Iyadoo ay taagan tahay xiisadda u dhaxeysa Shiinaha iyo Taiwan, ayay qorshaynayaan qaar ka mid ah xildhibaanada Mareykanka oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee aqalka Congress-ka Michael McCaul in ay safar ku tagaan Taiwan halkaas oo la filayo inay kula kulmaan madaxweynaha cusub ee Willliam Lai Cheng-te.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here