Thursday, September 19, 2024

Khilaafka Federalka iyo Puntland oo lugaha la galay dagaalka ka dhanka ah AS

Muqdisho (Dawan)- Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxba kama jiraan  ku tilmaaamtay warkii shalay kasoo baxay Wsaaradda Warfaafinta dowldda federaalka ee ku saabsanaa in ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya saaxibada caalamaka in ay howl gal ka fuliyeen deegaanka Buuraha Calmadow ee Puntland.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wsaaradda Warfaafinta dowldda Federaalka ayaa lagu sheegay shalay in la dilay 20 xubnood oo ay ku jiraan saddex horjooge oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday xero ay ku sugnaayeen oo ku taal Buuraha Calmadow ee deegaannada Puntland.

Arrintaas waxaa jawaab ka bixisay Wasaarada Warfaafinta Puntland, waxeyna war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in uu been  abuur tahay warkii ay faafisay shalay Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya.

“Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland, waxay bulshada Puntland, guud ahaan Soomaaliya iyo Adduunkaba la wadaagaysaa in ay waxba kama jiraan tahay wararka ay faafisay Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Kaasi oo ay ku sheegeen in Ciidanka SNA ay howigal Amni ka fuliyeen deegaannada Calmadow ee Puntiand” ayaa lagu yiri, war-saxaafadeedka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Goboleedka Puntland.

Wasaaraddu waxa ay intaas ku dartay in Puntland amnigeeda iyada ka shaqeyso, ciidamdeeda difaacuna ay ku sugan yihiin deegaanada Calmadow.

Dhanka kale, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa sheegay in Al-shabaabkii looga itaal roonaaday dagaalladii Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ay hadda isku uruursanayaan buuraha Dowlad Goboleedka Puntland.
Al-Cadaala oo waraysi siiyay Idaacadda VOA ayaa tilmaamay in in ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Puntland ay ka qayb qaateen shalay oo Axad ahayd weerar lagu qaaday xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa dhulka buuraleyda ah, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar ka mid ah xubnahaas.

Xiriirka Dowlad Goboleedka Puntland iyo Dowladda Federaalka ayaa bilihii la soo dhaafay sii xumaanyay iyada oo ay Puntland horay ugu dhawaaqday in aqoonsigii kala laabtay Dowladda Dhexe ayna joojisay wadashaqayntii kala dhaxeysay hay’adaha kala duwan ee dowladda Federaalka.

Hadalladan ay labada dhinac hawada isku marinayan ayaa loo arkaa in uu saameyn ku yeelan doono dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab iyo amniga guud ee dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here