Thursday, September 19, 2024

Soomaaliya iyo Swden oo dardargelinaya mashaariicda horumarineed

Muqdisho (Dawan)- Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Caddaaladda ee dalka Sweden Anders Hall, oo booqasho ku jooga Muqdisho ayaa maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre.

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Sweden ka taageerto Soomaaliya iyo arrimo kale oo ku qotoma danaha labo geesoodka ah ee labada dal, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska xukuumadda.

Xamsa ayaa kulanka kadib kusoo qoray bartiisa X; ” Waxaan maanta xafiiskayga kulan wax ku ool ah kula yeeshay Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Caddaaladda Sweden mudane Anders Hall. Wada hadalkeenu wuxuu diiradda saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Sweden iyada oo la eegayo dhinacyada kala duwan ee faa’iidada u leh”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo ku boorriyey in ay gacan ka geysato dadaallada xukuumadda ee la xiriira horumarinta iyo dimoqraadiyeynta dalka.

Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda Sweden, Anders Hall, ayaa ku ammaanay Soomaaliya horumarka ay ka sameysay dhinacyada amniga iyo caddaalada, gaar ahaan dadaalladeeda la xiriira ciribtirayo kooxda Al-shabaab , si loo xaqiijiyo xasiloonida dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here