Thursday, September 19, 2024

Kuwait oo qaadaneysa shaqaalo Itoobiyaan ah

Addis Ababa (Dawan)- Dowladaha Itoobiya iyo Kuwait ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo dhigaya in la fududeeyo qaabkii dowladda Kuwait ay ku shaqaalaysiin lahayd muwaadiniinta Itoobiya.

Heshiiskan waxaa dhanka Itoobiya u saxiixay Wasiirka Shaqada iyo xirfadda Muferihat Kamil, dhanka Kuwait-na waxaa saxiixay Nasser Hajji Al-Mutairi oo ah safiirka Kuwait ee Itoobiya, sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda Itoobiya.

Munaasabadda heshiisks, waxaa goob joog ka ahaa Solomon Soka oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo xirfadda ee Itoobiya, Siciid Maxamed oo ah safiirka Itoobiya ee Kuwait iyo ma’suuliyiin kale oo ka kala socday labada dal.

Heshiiska ayaa ujeedkiisu yahay in la abuuro hannaan sharci oo qeexaya xuquuqda iyo faa’iidooyinka ay helayaan shaqaalaha Itoobiya ee Kuwait iyada oo sidoo kale kor loo qaadayo iskaashiga labada waddan.

Heshiiskan ayaa la filayaa inuu hagaajiyo hannanka shaqaalaynta iyadoo ay ku caddahay qorshaha hagaya shaqaalaha iyo cidda loo shaqaynayo.

Dowladda Kuwait, waxaa waayadii dambe ka jiray gabaabsi dhanka shaqaalaha xoog maalka ah kadib markii ay joojisay shaqaalihii ay ka kala imaan jirtay dalka Filipin, waxeyna doonaysaa in ay shaqaalaha Itoobiya ku xalliso dhibaatadaas.

Dowladaha Khaliijka ayaa inta badan ku tiirsan shaqaalaha ajaanibta ah kuwaas oo ka howlgala guryaha, maqaayadaha, goobaha dhismaha, nadaafadda iyo wadista gawaarida.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here