Friday, September 20, 2024

Soomaaliya oo ku xigeen ka noqotay Golaha caafimaadka Adduunka

Geneva (Dawan)- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Cali Xaaji Aadam ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qayb galay shirka Caafimaadka Adduunka meertadiisa 77-aad.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa loo doortay inuu noqdo Madaxweyne ku xigeenka Golaga Shirwaynaha Caafimaadka Adduunka.

Shirka Golahan oo sannad walba mar ka dhaca Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva, ayaa lafa-guraa hawlaha hortabinta u leh Caafimaadka Aduunka, waxaana lagu gaaraa go’aamo masiiri ah oo saameeya wadamada Aduunka oo dhan.

Sanadkan waxyaabaha shirka looga dooday waxaa ka mid ah hindise ay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya soo jeedisay, kaas oo ujeedadiisu tahay in Aduunku uu u midoobo yaraynta dhimashada Hooyada iyo Dhallaanka, si loo gaaro hadafka guud ee golaha taas oo muujinaysa in Soomaaliya ay ka ciyaareyso door muhiim ah sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka caalamiga ah ee dhanka caafimaadka.

Dhanka kale, waxaa aad looga doodaya qabyo-qoraalka heshiiska caalamiga ah ee ka hortagga xanuunnada awooda u leh in ay faafaan ee keena cudur-dillaaca taas oo dhibaato ba’an ku heysa guud ahaan dunida.

Ujeedka shirka waxaa sidoo kale ka mid ah in dadaalka dunida meel la isagu geeyo si wax looga qabto xaaladaha keeni kara caafimaad darrada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here