Friday, October 18, 2024

Xasan oo Nairobi uga qayb galaya shirka Bangiga Horumarinta Afrika

Nairobi (Dawan)- Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u safray dalka Kenya si uu uga qayb galo shirka sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika oo ka dhacaya magaalada Nairobi 27 ilaa 31 May.

Shirkan oo ah mid heer madaxweyne ah ayaa waxaa sanadkan diiradda lagu saarayaa dib u qaabaynta qaab-dhismeedka Maaliyadeed ee Afrika, iyadoo ay kasoo qayb geli doonaan qaar badan oo kamid ah madaxweynayaasha dalalka Afrika iyo Madaxda Banka horumarinta Afrika.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu kulan gaar ah la qaato dhiggiisa Kenya, William Ruto oo farrin uga sida Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, sida uu TV-ga Dawan ogaaday.

William Ruto ayaa kulan la qaatay Xasan Sheekh ka hor booqashadiisi dalka Mareykanka, taas oo loo arkay in arrimaha ay kawada hadleen Mareykanka iyo Kenya in ay ka mid ahayd xaaladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara haddii ay ciidamada nabad ilaalinta ee Afrika isaga baxaan Soomaaliya, isaga oo caddeeyay in Al-shabaab la wareegi doonto gacan ku haynta Soomaaliya.

Ruto ayaa ugu baaqay Mareykanka in uu soo farageliyo si looga hortago in ammaanka Soomaaliya uu faraha ka baxo, wuxuuna tilmaamay in aysan jirin cid ay dani ugu jirto in Al-shabaab qabsato Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here