Friday, September 20, 2024

Safiirka Soomaaliya: Turkigu waa saaxiibka ugu muhiimsan Soomaaliya

Ankara (Dawan)- Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga, Fatxudiin Cali Maxamed ayaa yiri “Turkigu waa saaxiibka ugu muhiimsan ee Soomaaliya marka la eego siyaasadda, militariga iyo dhaqaalaha” xilli uu ka hadlayay heshiiska qaab dhismeedka difaaca iyo dhaqaalaha ee ay dhawaan kala saxiixdeen labada dal.

Safiirka oo wareysi siiyay Wakaaladda Anadolu ayaa tilmaamay in booqashadii Erdogan uu ku yimid Soomaaliya sannadkii 2011-kii, in ay sababatay isbeddel xoogan oo ku yimid xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya.

Safiirku waxa uu carrabka ku adkeeyay in Turkiga uu qaaday tillaabooyin muhiim ah oo xal loogu raadinayo dhibaatooyinka Soomaaliya iyadoo loo marayo hay’adaha dowliga ah ee Turkiga iyo ururada aan dowliga ahayn.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in tan iyo sannadkii 2011-ka ay dalka Turkiga waxbarasho ku heleen kumanaan arday Soomaaliyeed ah kuwaas oo dib ugu soo laabtay dalka kana qayb qaatay dib u dhiska dalka.

Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Turkiga, waxa uu sheegay in xiriirka dhaqaale ee u dhaxeeya labada dowladood in uu kobcayay tan iyo sannadkii 2011-kii, iyada oo ay dowladda Turkigu noqday mid ka mid ah saaxiibada ganacsiga ugu muhiimsan Soomaaliya.

Turkiga waxa uu maalgeliyay mashaariic waaweyn oo kaabeyaasha dhaqaalaha ah sida dib u dhiska garoonka diyaaradaha iyo dekedda Muqdisho, oo ay maamulayaan shirkado Turki ah, sida uu xusay Safiir Fatxudiin Maxamed Cali.

8-dii February, Turkiga iyo Soomaaliya ayaa magaalada caasimadda ah ee Ankara ku kala saxiixday heshiis guud oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah.

Dowladda Turkiga ayaa sannadkii ku kabta miisaaniyadda Soomaaliya ku dhawaad $30m si ay uga qayb qaadato horumrainta adeegyada ay bixiso dowladda.

Dhanka ciidamada, Turkiga waxa uu tababaray in ka badan 16,000 oo askari oo Soomaali ah, una dhiganta saddex meelood meel ka mid ah ciidamada milateriga Soomaaliya, kuwaas oo isugu jira kuwa lagu soo tababaray Turkiga iyo saldhigga Muqdisho ee loo yaqaan Turksom.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here