Thursday, September 19, 2024

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay doon kula degtay bariga Afghanistan

Kabul (Dawan)- Ugu yaraan 20 qof oo ay ku jiraan carruur ayaa ku dhintay maanta oo Sabti ah doon ay ku safrayeen oo kula degtay wabi ku yaalla gobolka Nangarhar ee bariga dalka Afghanistan.

Mas’uu ka tirsan gobolka ayaa bartiisa X kusoo qoray; ” Doon ay saarnaayeen haween iyo carruur ayaa ku degtay maanta oo Sabti ah, wabi ku yaal agagaarka Pasol, saacaddu marka ay ahayd todobadii subaxnimo”

Mas’uulka ayaa intaas ku daray in doonta ay saarnaayeen 25 qof iyada oo ay badbaadiyeen kaliya shan qof.

Kooxaha gurmadka ayaa wabiga kasoo saaray shan qof oo mayd ah, waxeyna wali ku howlanyihiin sidii loo soo saari lahaa inta kale.

Sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha, dadka deegaanka ayaa si joogta ah u isticmaala doomo, inta badanna aan ku habboonayn in la raaco, si ay uga gudbaan wabiga.

Mas’uuliyiinta gobolka ay dhibaatadu ka dhacday wali wax faahfaahin ah kama bixin sababta keentay in ay doontu degto, balse waxa ay sheegeen in ay ku howlanyihiin baadi goobka maydadka dadka dhintay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here