Thursday, September 19, 2024

Mbappé oo ugu dambayn ku biiray kooxdiisii riyada ee Real Madrid

Madrid (Dawan)- Kooxda ka dhisan Spain ee Real Madrid, ayaa Isniintii si rasmi ah heshiis shan sano ah la gashay xiddiga u dhashay dalka Faransiiska ee Kylian Mbappé , ka dib markii uu dhamaaday qandaraaskii uu kula joogay Paris Saint-Germain.

Naadiga Real Madrid ayaa kusoo qortay barta X: “Kooxda Kubadda Cagta Real Madrid waxay heshiis la gaartay ciyaaryahanka Kylian Mbappé , kaas oo kooxda u ciyaari doona shanta xilli ciyaareed ee soo socota.”

Real Madrid ayaa dhowr jeer isku dayday in ay lasoo wareegto Mbappé. Markii ugu horeysay waxay doonatay markuu ka tirsanaa Monaco sannadkii 2017, balse waxa uu ku biiray kooxda Paris Saint-Germain.

Mar kale ayay Real u gacan haatisay Mbappé inuu kusoo biiro sannadkii 2022 laakin wuxuu door biday inuu heshiis cusub la galo kooxdiisi xilligaas ee PSG

Kabtanka Xulka Faransiiska ayaa ku biiray Paris Saint-Germain 2017 isagoo ka yimid Monaco, wuxuuna kulankiisi ugu dambeeyay u ciyaaray finaalkii koobka Faransiiska oo ay 2-1 ku garaaceen kooxda Olympique Lyonnais

Mbappé waxa uu kooxda Paris kula guuleystay 15 koob, oo ay ku jiraan 6 horyaal iyo 4 koob oo French Cup ah, wuxuuna u dhaliyay 372 kulan oo uu xirnaa maaliyadda PSG goolal gaaraya 288.

Real Madrid oo dhawaan ku guuleysatay koobka Champions League, markeedi 15-aad kadib markii ay 2-0 kaga badisay Borussia Dortmund ayaa u muuqata markale in ay sharraxantahay ku guuleysiga Champions League iyo horyaalka Spain ee sanadka soo socda maadama ay sii xoojisay weerarkeeda.

Kylian Mbappé ayaa ku riyoon jiray in uu mar uun ka mid noqdo kooxda Real ee uga guulaha badan qaaradda Yurub, wuxuuna yiri, ” Riyo rumowday. Aad ayaan ugu faraxsanahay oo aan ugu hanweynahay inaan ku biiro kooxda riyadeyda ee Real Madrid. Qofna ma fahmi karo sida aan hadda u faraxsanahay.”

Kylian Mbappé ayaa lagu wadaa inuu xirto number-ka 9-aad xilli ciyaareedka soo socda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here