Friday, October 18, 2024

Jabuuti iyo Sacuudiga oo kala saxiixday heshiis maalgashi oo 92 sano ah

Jabuuti (Dawan)- Isbaheysiga Maalgashadayaasha Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa la saxiixday dowladda Jabuuti heshiis ku saabsan maalgashiga dhul baaxaddiisu la egtahay 120 kun oo miter oo laba jibbaaran.

Dhulkaan oo ku yaal Goobaha ka caagan canshuurta ee dekedda Jabuuti, ayaa ah wejigii koowaad ee ganacsatada Sacuudigu ku billaabayaan maalgashigooda, wuxuuna socon doona muddo 92 sano ah.


Goobtan ayaa laga dhisi doona warshado, goobo ganacsi, dhismooyin kale iyo goobo wax lagu kaydiyo.

Heshiiskan ayaa yimid kadib dadaallo badan oo ay sameeyeen labada dhinac sidii la isaga kaashan lahaa ganacsiga iyo maalgashiga, waxaana lagu howlana ka mira dhalinta heshiiskan labadii sano ee lasoo dhaafay, sida uu sheegay Abuukar Cumar Xadi, oo ah Guddoomiyaha Maamulka Marsooyinka iyo Goobaha ka caagan canshuurha ee Jabuuti.

Ganacsatada Sacuudiga ee booqashada ku tagtay Jabuuti, waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga dalkaas Xasan Binu Mucjab Al-Xuwayzi iyada oo ay weheliyeen in ka badan (100) ) ganacsato ah iyo wakiillada qaar ka mid ah hay’adaha dowladda.

Sacuudiga ayaa doonaya inuu ka faa’iideysato dekedda Jabuuti oo kaalin wayn ka qaadata is-weydaarsiga dhaqaalaha iyo ganacsiga Afrika iyo dunida kale.

Wafdiga Sacuudiga ayaa kulamo gooni ah gooni ah la qaatay mas’uuliyiinta Jabuuti u qaabilsan ganacsiyada iyo maalgashiga iyo sidoo kale ganacasatada dalka, iyada oo warbixin laga siiyay fursadaha maalgashi iyo dhaqaale ee ka jira aagga xorta ah ee Jabuuti iyo faa’iidooyinka ay ka heli karaan maalgashiga Jabuuti.

Dhankooda mas’uuliyiinta Jabuuti u qaabilsan arrimaha dekedaha iyo maalgashiga ayaa u ballan qaaday ganacsatada iyo shirkadaha Sucuudiga inay heli doonaan adeegyada iyo faa’iidooyin la mid ah shirkadaha Jabuuti, waxeyna soo bandhigeen fursadaha jira ee dhinacyada tamarta dib loo cusboonaysiin karo, dalxiiska, beeraha iyo tignoolajiyada.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa madaxtooyada ku qaabilay wafdiga ganacsatada Sacuudiga, isaga oo uga mahadceliyay dadaalkooda ay ku doonayan in ay Jabuuti ka sameeyaan maalgashi xoogan oo dhinaca dekedaha ah.

Madaxweynaha iyo ganacsatada Sacduuiga ayaa sidoo kale kawada xaajooday fursadaha kale ee ka bannaan Jabuuti kuwaas oo ay faa’iido ugu jirto labada dhinac.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here