Friday, October 18, 2024

Soomaaliyo iyo Kuuriyada Koonfureed oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Seoul (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Seoul kula kulmay dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed, Han Duck-soo, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi ku qotoma danaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfureed.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xukuumadda ayaa lagu yiri; “Labada Ra’iisul Wasaare, ayaa isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay in la abuuro iskaashi ku dhisan wax wada qabsi iyo kala faa’iideysi, iyada oo diiradda la saarayo dhinacyada farsamada gacanta, xirfadaha, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda”.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sidoo kale kusoo qoray bartiisa X” Waxaan kulan wax ku ool ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Kuuriya Han Duck-soo si loo xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah. Waxaan diiradda ku saarnay wada hadalkeena sidii kor loogu qaadi lahaa danaha labada dhinac ee dhinacyada diblomaasiyadda, kobcinta xirfadaha, kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga iyo tignoolajiyada”.

Ra’iisul Wasaaraha Kuuriyada Koonfureed, Han Duck-soo, ayaa dhankiisa ballanqaaday in dalkiisu uu gacan ka siin doono Soomaaliya horumarinta adeegyada muhiimka ah ee dalka, si bulshada Soomaaliyeed ay uga fa’iideystaan.

Sida lagu sheegay, qoraalka xafiiska xukuumadda, Soomaaliya ayaa la tagtay shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika qorsheyaal cad oo qeyb ka qaadanaya horumarka iyo dib-u-soo kabashada dalka, kuwaas oo ay gacan ka gaysan doonto dowladda Kuuriyada Koonfureed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here