Thursday, September 19, 2024

Xukuumadda oo meelmarisay dib-u-eegista Xeer-nidaamiyaha Aqoonsiga

Muqdisho (Dawan)- -Golaha Wasiirrada Soomaaliya, ayaa maanta kulankooda toddobaadlaha ah, ku meelmariyey dib-u-eegista Xeer-nidaamiyaha Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Heshiis Is-afgarad oo la xiriira Iskaashiga Siyaasadda oo ay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Norwey.

Dhanka kale, Kulanka Wasiirada ayaa warbixinno ku saabsan amniga dalka looga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, iyaga oo soo bandhigay warbixinnadii ugu dambeeyay ee howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab iyo xasillinta amniga dalka.

Sidoo kale, Golaha ayaa warbixinno la xiriira safarro shaqo oo ay ku tageen dalka dibaddiisa ka dhageystay Wasaaradaha Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda, Maaliyadda, Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, kuwaas oo soo bandhigay guulihii lagu xaqiijiyay safarradooda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here