Thursday, September 19, 2024

M/W Xasan oo soo dhaweeyay xubinimada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran u soo dhaweeyey in Soomaaliya loo doortay xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, muddo labo sano ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in guushan ay muujinayso horumarka iyo dowladnimada dalka, waxa uuna tilmaamay qorsheyaasha hagaya codka Soomaaliyeed ee fagaareyaasha caalamka, kaas oo ku salaysan ilaalinta nabadda iyo xoojinta iskaashiga.

“Guusha diblomaasi ee aanu maanta gaarnay waxa ay ka tarjumaysa sida caalamka uga markhaanti kacayo dadaalka iyo horumarka Soomaaliya, gaar ahaan dib u soo kabashada iyo dib u dhiska dalkayaga. Waa fursad aan uga faa’iideysan karno inaan ka qeyb qaadanno nabadgelyada iyo ammaanka caalamka”. ayuu yiri, Madaxweyne Xasan

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u mahadceliyey dhammaan dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka, kuwa gobolka iyo Qaaradda ee taageeray codsiga Soomaaliya, isaga oo xusay in tan ay tahay fursad qiimo leh oo horseedaysa in Soomaaliya ay kaalin muuqata ka qaadato arrimaha amniga iyo nabadda caalamka.

Soomaaliya oo ahayd musharraxa kaliya ee ka socday qaaradda Afrika ayaa loo doortay xubinimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

179 dowladood ayaa u codeeyay Soomaaliya, iyada oo sidoo kale la doortay dowladaha kala ah Pakistan, Panama, Denmark, iyo Greece.

Arrintaan ayaa ka dhigan in Soomaaliya markii labaad xubin aan joogta ahayn ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada kadib sannadkii 1971-1972.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here