Friday, October 18, 2024

Dhimasho ka dhalatay weerar lagu qaaday isbitaal ku yaal Garissa

Garissa (Dawan)- Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay weerar lagu qaaday shaqaale ka howlgelayaay isbitaal ku yaal tuulada Bogyar ee hoostagta Dhadhaab ee Ismaamulka Garissa.

Sida laga soo xigtay laamaha amniga dalka Kenya, waxaa looga shakisanyahay in ay weerarka ka dambeeyeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Afarta qof ee la dilay ayaa ahaa shaqalaha dhismooyinka kuwaas oo dayactir ka waday isbitaalka, waana markii ugu horreysay ee deegaanka Dhadhaab waxyeelo loogu gaysto shaqaalaha dhismooyinka.

Laamaha amniga ayaa deegaanka ka billaabay baaritaano kala duwan.

Al-Shabaab oo ah urur inta badan ka dagaalama Soomaaliya ayaa dhowr jeer weerar ka geysatay gudaha Kenya, iyada oo kaga jawaabeysa go’aanka ay Kenya ciidamadeeda ugu soo dirtay Soomaaliya sannadkii 2011-kii si ay u taageeraan dowladda Soomaaliya.

Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ay Al-Shabaab ka gaysato gudaha Kenya ayaa ka dhacay Jaamacadda Garissa 2-dii April, 2015, markaas oo rag hubeysan ay gudaha u galeen Jaamacadda, kuna dileen in ka badan 140 arday, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here