Friday, September 20, 2024

Maxay tahay shaqada Golaha Ammaanka ee ay Soomaaliya xubin ka noqotay?

Muqdisho (Dawan)- Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii u doortay dalalka Denmark, Greece, Pakistan, Panama iyo Soomaaliya inay ka mid noqdaan xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka muddo laba sano ah oo ka billaabmaya 1-da January ee sannadka soo socda.

Shantan dowladood waxa ay bedeli doonaa Ecuador, Japan, Malta, Mozambique iyo Switzerland, kuwaas oo waqtigoodu dhamaanayo 31 December 2023.

Xubnaha cusub waxay ku biiri doonaan xubnaha aan joogtada ahayn ee Algeria, Guyana, Kuuriyada Koonfureed, Sierra Leone, Slovenia iyo shanta xubnood ee joogtada ah kuwaas oo kala ah Shiinaha, Faransiiska, Ruushka, Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanka.

Golaha Ammaanka

Golaha Ammaanka waxa uu ka mid yahay lixda qaybood ee ugu muhiimsan Hay’adaha ay ka koobantahay Qaramada Midoobay kuwaas oo kala ah, Golaha Guud ama Golaha loo dhanyahay, Golaha Ammaanka, Golaha Wasaayada, Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada, Maxakmadda Caddaaladda iyo Xoghaynta Guud.

Golaha Ammaanka waxa uu ka koobanyahay 15 xubnood. 5 joogta ah iyo toban aan joogta ahayn kuwaas oo ku yimaada doorasho ku dhisan hannaan qaybsi qaaradeed.

Soomaaliya waa markii labaad ee ay ka mid noqoto Golaha Ammaanka, iyada oo marki ugu horeysay ay ahayd sannadkii 1971-1972, waxaana lagu xasuustaa in ay kaalin wayn ka qaadatay difaacidda qaddiyadihii xaqa ahaa xilligaas iyo u doodidda bulshooyinkii ku hoos noolaa gumeysiga.

Golaha Ammaanku wuxuu fadhigiisii ​​ugu horreeyay ku yeeshay 17-kii January 1946-kii ee Westminster, London. Tan iyo kulankii ugu horreeyay, xarunta joogtada ah ee Golaha Ammaanka waxay ahayd Xarunta Qaramada Midoobay ee New York. Goluhu waxa uu sidoo kale ku shiray magaalooyin badan, sida Addis Ababa, Ethiopia, 1972, Panama City, Panama, iyo Geneva, Switzerland, 1990-kii.

Shaqada Golaha Ammaanka

Sida ku cad Axdiga Qaramada Midoobay, Golaha Ammaanku wuxuu leeyahay shaqooyinka iyo awoodaha soo socda:

Ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah si waafaqsan mabaadi’da iyo ujeedooyinka Qaramada Midoobay.

Baaritaanka xasarad kasta oo keeni karta khilaaf caalami ah.

Soo jeedinta talooyin ku saabsan xallinta khilaafaayada iyo shuruudaha lagu xallin karo.

Dejinta qorshaha iyo nidaamka lagu maamulo hubka.

Bidhaaminta ama caddeynta wax kasta oo khatar ku ah nabadda caalamka iyo soo jeedinta talooyin ku saabsan tillaabooyinka ay tahay in la qaado.

Qaadista tillaabo ka dhan dowladda sameysa gardarro.

Oggolaanshaha xubnaha cusub.

U gudbinta Golaha Guud talooyin ku saabsan doorashada Xoghayaha Guud, iyo doorashada, garsoorayaasha Maxkamadda Caalamiga ah.

Marka cabasha ku saabsan colaad u dhaxeysa laba dhinac la horkeeno Golaha Ammaanka, Goluhu inta badan waxa uu qaadaa tillaabooyin lagu heshiisinayo dhinacyada is haya, wuxuuna sameeya sida soo socota:

Dejinta mabaadi’da lagu gaari karo heshiis.

In goobta wax ka jiraan loo magaacbo xafiis iyo ergay gaar ah.

Marka khilaafku keeno dagaal iyo colaad, Goluhu waa inuu qaado tillaabo lagu joojinayo colaaddaas sida;

inuu soo saaro amar lagu joojnayo dagaalka.

In goobta ay colaaddo ka jirto loo diro kormeerayaal ama ciidan nabad ilaalin ah si loo kala dhax galo dhinacyada is dagaalaya.

In la saaro cunaqabatayn dhaqaale, hub iyo xayiraad safar, ciddii u hoggansami wayda baaqayada iyo amarada ka soo baxa Golaha.

Goluhu waxa uu sidoo kale sameeya faragelin militari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here