Saturday, September 21, 2024

Liiska kama dambeysta ah ee musharrixiinta doorashada Iran

Tehran (Dawan)- Wasaaradda arrimaha gudaha ee Iran ayaa soo saartay liiska kama dambeysta ah ee magacyada musharrixiinta u tartamaya doorashada madaxtinimada ee la qorsheeyay inay dhacdo 28-ka bishan June, ka dib geeridii Madaxweyne Ibraahim Raisi ee 19-kii May.

Golaha qaabilsan kala shaandhaynta musharrixiinta ayaa soo gudbiyay 6 musharrax oo kala ah: Mascuud Pezeshkian, Mustafa Pour Mohammadi, Saciid Jalili, Cali Redaa Zakani, Amiir Xuseen Hashimi, iyo Maxmed Bagher Qalibaf.

Golaha ayaa liiska ka reebay madaxweynihii hore ee dalkaas Maxamuud Axmedinejad, lataliyaha hoggaamiyaha ruuxiga ee dalkaas ahaana afhayeenkii hore ee baarlamaanka, Cali Larijani iyo dhammaan musharrixiinta ka tirsan xukuumadda hadda jirta.

Fikirka 6 musharrax


Mascuud Pezeshkian: Musharraxa kaliya ee ku abtirsada garabka bidix. Wuxuu ololihiisa doorashada ku saaray diiradda inuu dib u habeyn ku sameyn doono nidaamka dalka, waana mid ka mid ah musharrixiinta loo saadaalinayo inuu guuleysan karo .

Mustafa Pour Mohammadi: Kama tirsana wax xisbi ah balse waxaa lagu tiriyaa inuu yahay siyaasi qunyar socod ah. Waxa uu ka tirsanaa xukuumadihii labadii madaxweyne ee Maxamuud Axmadinejad iyo Xasan Rouhani.

Siciid Jalili: Waa siyaasi ku abtirsada garabka midigta fog. Waxa uu hore usoo noqday xoghayihii guud ee nabad-sugidda dalkaas, wuxuuna caan ku ahaa mowqifyada uu kaga soo horjeedo heshiiskii Nukliyeerka ee Iran ee Reer-galbeedka.

Doorashadii hore waxa uu u tanaasulay Madaxweyne Ibraahim Raisi.

Cali Redaa Zakani: Waa siyaasi kale oo ku abtirsada garabka midig. Hadda waa Duqa magaalada Tehran ee caasimadda dalkaas, wuxuu u tanaasulay doorashadii hore Madaxweyne Ibraahim Raisi.

Amiir Xuseen Hashemi: Waa madaxweyne ku xigeenka dowladda hadda jirta.

Maxmed Bagher Qalibaf: Guddoomiyaha Baarlamaanka ee hadda .

Guddiga doorashada Iran ayaa hore u shaaciyay in doorashada la qaban doono 28-ka June, iyada oo madaxweynaha la doorto la caleema saari doono 8-da July.


Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here