Friday, September 20, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

BARIGA DHEXE

Marinka Gaza- Xaaladda bini’aadantinimo ee ka jirta marinka Gaza ayaa sii xumaaneysa iyada oo ay ciidamada Israel sii wadaan howlgalkooda milatari oo ay ku dhinteen in ka badan 37,100 qof ayna ku dhaawacmeen ku dhawaad ​​84,700 oo kale tan iyo bishii October ee la soo dhaafay.

Xiisadda Daanta Galbeed

  • Weearada militari ee maalinlaha ah ee ay ciidamada Israel ku qaadayaan magaalooyinka iyo tuulooyinka Daanta Galbeed ayaa sababay dhimashada 534 qof, 5200 oo dhaawac ah iyo in ka badan 9,100 oo lagu xiray xabsiyada Israel tan iyo 7-dii October 2023.

ISRAEL

Iscasilaadda Benny Gantz

  • Howlihii xukuumadda dagaalka ee Israel ayaa fashil ku yimid kadib markii ay iscasileen xubno muhiim ah oo ka tirsan xukuumadda sida Benny Gantz, waxaana cadaadis lagu saaray Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu inuu ka noqdo siyaasadiisa dagaalka Gaza.

  • JORDAN

Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka iyo socdaalkiisa Bariga Dhexe

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa socdaal ku maraya Bariga Dhexe, isaga oo la kulmaya qaar ka mid ah madaxda Masar, Jordan iyo Qatar, si looga wada xaajoodo hirgelinta hindisaha xababd joojinta dagaalka Gaza ee Joe Biden ku dhawaaqay.

Hindisaha xabbad joojinta dagaalka Gaza ayaa taageero ka helayaGolaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Blinken ayaa sdioo kale si gooni gooni ah ula kulmi doonaa madaxda xisbiyada kala duwan ee Israel, waana markii siddeed ee uu booqasho ku tago Bariga Dhexe tan iyo markii uu billaawday duullaanka Israel ee Gaza.

TÜRKIYE

  • Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa kulan alabaabadu u xiranyihiin la yeelan doona Madaxweynaha Bangiga Adduunka Ajay Banga oo booqasho ku jooga dalkaas.

    Waaxda madaxtooyada Turkiga u qaabilsan warfaafinta ayaa lagu wadaa in ay warbaahinta la wadaagto faahfaahinta la xiriirta kulnka iyo waxa looga hadlayo.

    MALAYSIA

  • Wasiirka Difaaca Turkiga Yasar Guler ayaa la kulmaya dhiggiisa Malaysia Mohamed Khaled Nordin oo ay wada hadal ka yeelan doonaan iskaashiga dhanka ciidamada.

    Kulanka ayaa daba socda ka dib markii Malaysia ay saxiixday heshiis is afgarad ah oo ay ku iibsaneyso saddex markab oo nuuca dagaalka ah kuwaas oo ay soo saartay dowladda Turkiga.

    YURUB
  • Shirka Soo kabashada Ukraine
  • Hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz iyo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa khudbado ka jeedinaya Shirka soo kabashada Ukraine 2024 ee ka dhacaya magaalada Berlin.
    In ka badan 2,000 oo wakiil oo ka kala socda in ka badan 60 waddan ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan shirka, kaas oo diiradda lagu saari doono abaabulka taageerada caalamiga ah ee xasilinta dhaqaalaha Ukraine iyo kasoo kabashada dagaalka.

    MAREYKANKA
  • Doorasahada Hordhaca ah ee Mareykanka
  • Cod-bixiyayaasha Mareykanka ayaa u dareeraya goobaha codbixinta si ay uga qayb qaataan doorasahda hordhaca ah ee ka dhaceysa gobollada Nevada, South Carolina, North Dakota iyo Maine.
  • MALAWI
  • -Diyaarad milateri oo uu la socday madaxweyne ku xigeenka Malawi Saulos Chilima ayaa la waayay, waxaana la tuhunsan yahay inay burburtay.


    YEMEN

    Mas’uul u hadlay dowladda Yemen ayaa sheegay in 38 qof oo tahriibayaal ah in ay ku dhinteen xeebaha Koonfur-bari ee dalkaas, iyadoo ilaa 70 kalena la soo badbaadiyay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here