Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

FALASTIIN

Gaza- Xaaladda bini’aadantinimo ee ka jirta marinka Gaza ayaa sii xumaaneysa iyada oo ay ciidamada Israel sii wadaan howlgalkooda milatari oo ay ku dhinteen in ka badan 37,160 qof ayna ku dhaawacmeen ku dhawaad ​​84,800 oo kale tan iyo bishii October ee la soo dhaafay.

Xiisadda Daanta Galbeed

  • Weearada militari ee maalinlaha ah ee ay ciidamada Israel ku qaadayaan magaalooyinka iyo tuulooyinka Daanta Galbeed ayaa sababay dhimashada 538 qof, 5200 oo dhaawac ah iyo in ka badan 9,100 oo lagu xiray xabsiyada Israel tan iyo 7-dii October 2023.

ISRAEL

Dibadbaxyo lagu cadaadinayo xukuumadda Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ka socda magaalooyinka Isarel. Dadweynaha iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah waxay ugu baaqayaan Netanyahu inuu ogolaado isdhaafsiga maxaabiista.

Xukuumaddii dagaalka Israel ayaa burburtay kadib markii ay is casileen dhowr xubnood kuwaas oo ku eedeeyay Netanyahu inuu ku fashilmay hoggaaminta dagaalka.

Xoghayaha Arimaha Dibadda Maraykanka iyo socdaalkiisa Bariga Dhexe

Ka dib markii uu booqday Masar, Israel iyo Urdun, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa lagu wadaa inuu ka dago magaalada Doxa ee dalka Qatar oo ah halka uu kusoo gabagabeyn doono booqashadiisa.

Bilnken ayaa dadaal ugu jira ka mira dhalinta qorshaha uu soo jeediyay Madaxweyne Biden ee ku saabsan xabbad joojinta Gaza.

Soo jeedinta Mareykanka ayaa taageero ka heshay Golaha Ammaanka iyo dowladda qaabilsan dhaxdhaxaadinta ee Masar iyo Qatar.

TALYAANIGA

Madaxweynaha Mareyknka Joe Biden ayaa u dhoofi doona magaalada Fasano ee dalka Talyaaniga si uu uga qeyb galo shir madaxeedka G7 isaga oo kulamo gaar gaar ah la qaadan doona dhowr mas’uul. Biden ayaa sidoo kale shir jaraa’id la qaban doona madaxweynaha Ukraine Volodomyr Zelenskyy.

Golaha Ammaanka

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay isugu yimaadaan kulan xog-waraysi furan oo ku saabsan xaaladda xuquuqda aadanaha ee Waqooyiga Kuuriya.

Kulanka waxaa codsaday dowladaha kala ah Japan, Koonfurta Kuuriya, Ingiriiska iyo Mareykanka, waxaana warbixin siin doona Madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha Volker Turk.

Booqashada Madaxweyne Erdogan ee Spain

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa booqan doonaa dalka Spain maalmaha 12-13 bishan June, si uu uga qayb galo kulnka 8-aad ee madasha dhaqaalaha labada dowladood.

Erdogan ayaa lagu wadaa inuu magaalada Madrid kula kulmo boqorka Spain, Felipe VI.

KUWAIT

In ka badan 39 qof ayaa ku dhintay tobaneyo kalena waa ay ku dhaawacmeen, ka dib markii uu dab ka kacay laba dhisme oo la deggan yahay kuwaas oo ku yaal degaanka Al-Mangaf ee gobolka Al-Axmadi, ee koonfurta Kuwait.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here