Thursday, September 19, 2024

Miyey Qatar kusoo biirtay u kala dab qaadidda Soomaaliya iyo Itoobiya?

Doxa (Dawan)- Amiirka Qatar, Sheekh Tamim bin Xamad, ayaa si gooni gooni ah shalay (Arabaco) telefoon kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed .

Amiirku waxa uu labada dhinac kala hadlay sidii loosii xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga Qatar kala dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo xaaladaha ka taagan gobolka iyo caalamka, sida lagu sheegay war-saxaafdeed kasoo baxay Diiwaanka Amiirka (Madaxtooyada)

Muddo 30 daqiiqo ah ayaa u dhexeysay xiriirka uu Amiirka Qatar la sameeyay Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed inkasta oo aan la shaacin in uu kala hadlay xiisadda ka dhex aloolsan labada dal.

Arrintan ayaa imaaneysa iyada oo Amiirka Qatar uu farriin ka helay Isniintii lasoo dhaafay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Qatar.

Qatar ayaa u muuqata in ay kusoo biirtay dadaallada dhexdhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay hore ugu jirtay dowladda Kenya, inkasta oo aan la gaarin weli wax natiijo ah.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa hore u muujiyay inuu diyaar u yahay fududeynta dadaallo lagu dhexdhexdinayo labada dowladood, si xal looga gaaro khilaafka soo kala dhex galay labada dhinac kadib heshiiskii badda ee Itoobiya iyo Somaliland.

Tobannaankii sano ee la soo dhaafay, Qatar waxay door muuqda ka qaadatay fududaynta hannaanka dhexdhexaadinta iyo wada hadallo lagu guuleystay oo dhex maray dowlado iyo kooxo kala duwan.

Dowladda Qatar ayaa ku guulaysatay bishii May 2021, dhex-dhexaadintii iyo dib u soo celinta xiriiirkii Soomaaliya iyo Kenya, oo xilligaas mugdi soo kala dhex gelay.

Bishii April ee la soo dhaafay, Soomaaliya waxay cayrisay Safiirka Itoobiya, waxayna amar ku bixisay in la xiro labada qunsuliyadood ee Itoobiya ku leedahay Garoowe iyo Hargeysa, iyada oo ku eedeysay Itoobiya in ay faragelin ku hayso arrimaha gudaha ee dalka.

Xiriirka u dhexeeya labada dal ee deriska ah ayaa xumaaday tan iyo markii ay Itoobiya heshiis la gashay Somaliland bishii January, 2023, kaas oo u ogolaanaya dowladda Itoobiya in ay hesho bad ay u adeegsato ganacsi iyo saldhig ciidan.

Soomaaliya ayaa si adag uga biya diiday heshiiskaas, waxayna ku tilmaamtay mid sharci darro ah oo halis ku ah deris wanaagga, xasiloonida gobolka iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here