Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

FALASTIIN

Gaza- Xaaladda bini aadanimo ee ka jirta marinka Gaza ayaa sii xumaanaysa maalinba maalinta kasii dambaysa, iyada oo ciidamada Israel ay sii wadaan howlgalladooda kala duwan.

Israel waxay dishay ku dhawaad ​​37,300 oo Falastiiniyiin ah waxayna dhaawacday in ka badan 85,000 oo kale tan iyo 7-dii October ee sanadkii hore.

Dhanka Daanta Galbeed, maalin kasta waxay ciidamada Israel ka fuliyaan howlgallo ay ku dhinteen ugu yaraan 543 qof, 5,200 oo kalena ay ku dhaawacmeen, iyada oo in ka badan 9,170 qof loo taxaabay xabsiyada tan iyo bishii October , 2023.

Dhinaca kale, waxaa socda wada-hadallo dadban oo u dhaxeeya Israel iyo Xamas si loo gaaro heshiis xabbad joojin ah sidoo kalena la isku dhaafsanayo maxaabiista. Dowladaha dhexdhexaadinta ee kala ah Masar, Qatar iyo Mareykan ayaa isku dayaya in ay isku soo dhaweeyaan labada dhinac si loo hirgeliyo qaraarka xabbad joojinta ee uu meel-mariyay Golaha Ammaanka.

Shir madaxeedka nabadda ee Ukraine

Magaalada Burgenstock ee dalka Switzerland waxaa ka furmaya shir madaxeedka nabada ee Ukraine kaas oo socon doona labo maalmood. Madaxda ka qayb galaysa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan.

Koonfur Afrika

Cyril Ramaphosa ayaa mar kale loo doortay inuu noqdo madaxweynaha Koonfur Afrika, waxaana la filaya in dhawaan lagu dhawaaqo xukuumad midnimo qaran ah.

Ruush

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa lagu wadaa inuu booqasho ku tago Waqooyiga Kuuriya, waxeyna noqon doontaa booqashadiisi ugu horeysay tan iyo 2000, isaga oo xilligaas la kulmay hoggaamihii geeriyooday ee Kim Jong-il

Koonfurta Kuuriya ayaa walaac ka muujisay safaraka la filaayo ee Putin, waxeyna ka digtay iskaashi milatari oo dheeraad ah kaas oo dhex mara Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya.

Waxaa xusid mudan in madaxweyne Kim uu booqasho ku tegay sannadkii hore dalka Ruushka, taas oo walaac ku abuurtay Reer-galbeedka.

Shiinaha/ Australia

Ra’iisul Wasaaraha Shiinaha Li Qiang ayaa safar rasmi ah oo 4 maalmood ah ku tagaya Australia. Labada dhinac ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan heshiiska gujisyada ku shaqeeya tamarta laga dhaliyo nuclear-ka, canshuuraha, iyo dhaqdhaqaaqyada militari ee badwaynta Pacific-ga

EURO 2024

Xulka Spain ayaa la ciyaari doona Croatia kulan ka tirsan tartanka koobka UEFA EURO 2024 ee Group B. kulankan ayaa ka dhici doona magaalada Berlin, halka Italy oo koobka difaacanaysa ay wajihi doonto Albania.

Hungary iyo Switzerland oo kawada tirsan Group A ayaa iyaguna wada ciyaari doona galabta

Xulka Jarmalka oo martigelinaya koobka ayaa guul darro wayn dusha u saariyay Scotland kadib markii uu uga badiyay 5-1.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here