Thursday, September 19, 2024

Xasan iyo Geelle oo kawada hadlay iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo kusoo maray dalalka Norway, Switzerland iyo Turkiga ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti, isaga oo madaxtooyada dalkaas kula kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan sida amniga iyo dhaqaalaha, sida aan kasoo xiganay Villa Somalia.

Madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa isku raacay in la xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida Gobolka, iyada oo Madaxweyne Xasan uu ku bogaadiyay dhiggisa Geelle kaalinta muhiimka ah ee uu ka qaadanayo nabadda iyo xasiloonida gobolka geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan ayaa ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay dalka Turkiga, isaga oo halakas kula kulmay Wasiirka Arrimaha dibadda Hakan Fidan

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here