Sunday, November 24, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Falastiin

Gaza- Nolosha dadka ku nool magaalada Gaza ayaa sii adkaaanaysa, iyadoo ay socdaan dadaallada lagu doonayo in lagu hirgeliyo xabbad joojin joogta ah, si loo soo afjaro weerarrada aan kala joogsiga lahayn ee Israel ay ku hayso deegaannada Falastiiniyiinta.

Tan iyo 7-dii October ee la soo dhaafay, Israel waxay dishay ku dhawaad ​​37,600 oo Falastiiniyiin ah waxayna dhaawacday in ka badan 86,000 oo kale.

Sabtidii ugu yaraan 41 Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay toboneeyo kalena waa ay ku dhaawacmeen labo weerar oo ay Isarel ku bartilmaameedsatay magaalada Gaza.

Ciidamada Israel ayaa sheegtay in ay duqeeyeen dhismayaal ay Xamaas u adeegsato xarumaha militariga ee magaalada iyaga oo aan bixin wax caddayn ah ama faahfaahin dheeraad ah.

Dhinaca Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay 553 qof waxeyna ku dhaawacday 5,200 oo kale, halka ku dhawaad ​​9,300 oo qof loo taxaabay xabsiyada tan iyo October , 2023.

Turkiga/ Algeria

Madaxweyne ku xigeenka Turkiga Cevdet Yilmaz ayaa booqanaya dalka Algeria isaga oo la kulmi doona madaxda sare ee dalkaas iyo wakiilo ka kala socda ganacsatada.

Japan/ UK

Boqorka Japan Naruhito ayaa gaaray Boqortooyada Ingiriiska, waana booqashadiisi ugu horeysay ee uu ku tago muddo 25 sano ah.

Boqorka ayaa la kulmi doona Boqor Charles iyo boqoradda Camilla.

CIYAARAHA

Kulamada ugu dambeeya Group-yada ee tartanka koobka UEFA EURO 2024 ayaa caawa laga guda gelaya.

Switzerland ayaa wajihi doonta Germany kulan ka tirsan Group A oo ka dhici doona Frankfurt.

Germany oo marti galinaysa koobka ayaa horay u xaqiijisay in ay usoo gudubtay wareega 16-ka

Xulka Scotland ayaa la ciyaari doona xulka Hungary kulan ka tirsan Group A oo ka dhici doona magaalada Stuttgart.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here