Friday, September 20, 2024

Dastuurka Jubbaland oo la waafajiyay Dastuurada Dowlad Goboleedyada

Kismaayo (Dawan)- Golaha Wakiilada Dowladda Goboleedka Jubbaland ayaa maanta wax ka bedel ku sameeyay qaar ka mdi ah qodobada Dastuurka Maamulkaas.

Wakiilada ayaa go’aamiyay in meesha laga saaro qodobka 70 -aad ee Dastuurka kaas oo xadiday inta jeer ee la dooran karo Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Jubbaland oo ahayd laba jeer, waxaana  lagu badalay   qodobka 65-aad kaas oo dhigaya in muddada xilheynta Madaxweynaha ay tahay shan sano oo ka bilaabanyesa maalinta la dhaariyo sidoo kalena ay u furantaahy inuu tartami karo xilli kasta.

  Dowladda Goboleedka Jubbaland  ayaa si toos ah  uga mid noqotay Dowlad Goboleedyada  mudada xilheyntooda  tahay 5 sano.

Golaha Wakiilada Dowladda Goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale ogolaaday in xubnaha Barlamaanku ka mid noqon karaan Golaha Wasiirada, iyada oo Nidaamka Jubbaland uu noqono nidaam isku dhaf ah oo isagu jira Madaxtooyo iyo Baarlamaan.

Dhammaan mudada xilheynta Dowlad Goboleedyada dalka  waxaa ku yimi isbedel, Baaralamaanada  Galmudug, Puntland, Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaana meel-mriyay  qodobo dastuuri ah  oo  mudada xilheynta maamuladaasi ka dhigaya 5 sano

Dhanka kale, waxaa xusid mudan  in Baarlamnka  Federaalku uu billowgii sannadkan anisixyay in mudada xilheynta Madaxweynaha  dalka laga dhigo muddo 5 sano ah.

Maxamed Cabdinaasir oo ah Gudoomiyaha Guddiga dib u eegista Dastuurka ee Golaha Wakiilada Jubbalabd ayaa sheegay in ujeedada isbedelka lagu sameeyay Dastuurka ay tahay si loo waafajiyo Dastuurka Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada kale, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ay Dastuurku awood u siinayo inay isbedel ku sameeyaan Dastuurka.

Golaha Wakiilada Dowladda Goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale isbedel ku sameeyay magacaya loogu yeerayo Jubbaland waxeyna ka dhigeen Dowladda Goboleedka Jubbaland ee xubinta ka ah Dowladda Federaalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here