Jigjiga (Dawan)- Dowlad Deegaanka Soomaalida waxaa ka socda dadaalo kor loogu qaadayo wax soo saarka beeraha si loo xaqiijiyo damaanad qaadka cuntada ee dadka ku nool deegaanka, sida uu sheegay Wasiir kuxgeenka Xafiiska Beeraha, Axmed Nuur Cabdi.
Wasiirka ayaa yiri; ” Hirgalinta qorshaha iskutashiga wax soosaarka waa mid horseedaya ka kaaftoomida gacmo hoorsiga shesheeye”
Waxa uu intaas raaciyay in Xafiiska Beeraha Dowlad Deegaanka Soomaalida uu qaatay mas’uuliyadda ugu wayn ee Hirgalinta qorshaha iskutashiga dhinaca wax soosaarka, iyada oo lala kaashanayo xafiisyada kala duwan ee heer deegaan iyo heer degmo.
Wasiir kuxgeenka ayaa sidoo kale xusay in iyada oo laga faa’iidaysanayo khayraadka dabiiciga ah ee deegaanka uu xafiisku qorsheeyay in labeero 186 kun oo hectare iyada oo la beerayo labada xili roobaad iyo goobaha uu ka da’o roobka xilliga xagaaga sida gobollada Faafan iyo Sitti.
Dhanka kale, waxa uu bulshada deegaanka ugu baaqay in laga faa’iidaysto khayraadka dabiiciga ah ee deegaanka isla markaana meel looga soo wada jeesto hirgalinta qorshaha isku tashiga si looga maarmo gacmo hoorsiga iyo kaalmada shisheeye.
Guddoomiyaha iskaashatada Beeralayda ee Fardhaxanle, Xaaji Cabdi Xasan ayaa sheegay in ay dowladda ka heleen agabyo ay ka mid yihiin cagaf dayn ah iyaga oo qorsheynaya inay 9 hectare oo dhul beereed ah ay ku abuuraan Qamadi.
Dhaqangelinta qorshaha kor u qaadidda wax soosaarka beeraha ee deegaanka ayaa la filayaa in uu bulshada Deegaanka Soomaalida u horseedi doono barwaaqo iyo isku filnaansho dhanka cuntada ah.
Sida hore loogu sheegay warbixin kasoo baxday xafiiska u qaabilsan Dowlad Deegaanka Soomaalida dhanka warbaahinta, Gobolka Faafan ayaa hormuud ka ah dhanka wax soo saarka Beeraha, iyada oo loogu baaqay Gobollada kale in ay ku daydaan kana faa’iideystaan kheyraadka dhulkooda.
Guud ahaan dhulka la beeri karo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa lagu qiyaasaa ilaa 10 milyan oo hiktaar, waxaana laga soo saari kara dalagayda kala duwan.