Friday, September 20, 2024

M/W Xasan oo AS ku eedeeyay in ay hurinayaan dagaal beeleedyada

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab in ay hurinayaan dagaal beeleedyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Konfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo galaaftay nolosha dad tira badan.

Madaxweyne Xasan oo shalay furay  Kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa arrintaan kusoo qaatay khudbadiisa, wuxuuna yiri; ” Baryahaan dagaalada ahliga ah ee soo noqnoqday, waa qayb ka mid ah qorshaha cadawga iyo argagixsada ay iskaga horkeenayaan shacabka Soomaaliyeed, si aan uga sii jeesanno ka xoreynta dalka KHAWAARIJTA”

Madaxweynuhu waxa uu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay dadaal xoogan u galeen sidii wax looga qaban lahaa qaboojinta iyo dhexdhexaadinta dhinacyada dagaallamaya, isla markaana nabad loogu soo celin lahaa goobaha ay colaaddu ka jirto, wuxuuna bogaadiyay dhammaan dadkii ka qayb qaatay arrintaas.

“Waxaan bogaadinayaa dowlad goboleeyda ku howlan damminta colaadaha ka jira degaannada qaarkood. Waana waajib dhamaanteen ina saaran inaan u guntano joojinta coladahaas. Waxaan sidoo kale bogaadinayaa siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka,culimada iyo ururrada bulshada ee iyagane ku howlan damminta colaadaha” ayuu yiri; Xasan Sheekh.

Hadalka Madaxweyne Xasan ayaa ku soo beegmay todobaad ka dib markii dagaal lagu hoobtay uu laba beelood ku dhex maray deegaano ka tirsan gobolka Mudug, iyada oo ay ku dhinteen 20 qof oo u badan dhinacyadii dagaalamay, in ka badan 50 kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale, dagaal la mid ah kaas ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa degmada Caabudwaaq iyo Xeraale ee gobolka Galguduud.

Gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Gedo iyo Shabeelle Hoose ayaa sidoo kale laga soo warinaya inay ka jiraan colaad beeleedyo, iyada oo wax garadka gobolladaas ay ku howlanyihiin sidii loo joojin lahaa dagaaladda soo noqnoqday ee beelaha wada dega.

Dhanka kale, Ururuka Al-Shabaab ayaa beeniyay dhammaan eedeymahaas la xiriira in ay ku lug leeyihiin hurinta colaadaha qabaa’ilka ee dalka ka jira, taas beddelkeedana ay ka shaqeeyaan nabadda iyo wada noolaanshaha beelaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here