Thursday, September 19, 2024

Itoobiya: Dhowr kun oo barakacayaal ah ayaa dib ugu laabtay gobolka Tigray

Addis Ababa (Dawan)- Ku dhawaad ​​5,000 oo barakacayaal ah ayaa dib ugu laabtay gobolka Tigray ee Itoobiya, iyada oo lagu guda jiro hannaanka dib u celinta dadkii hore uga qaxay gobolkaas.

Hay’adaha qaabilsan dib u dejinta ayaa ku guuleystay in ay dadkaan dib u dejin uga sameeyaan magaalada May Tsebir iyo saddex deegaan oo kale oo ka tirsan degmada Tselemti.

Soo laabashada kumanaankan qof ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo dib loogu celinayo 80,000 oo barokacayaal ah oo ku nool Waqooyi-galbeed ee Tigray, iyadoo inta u dhaxaysa 8,500 iyo 10,000 loo qorsheeyay inay dib ugu noqdaan gaar ahaan degmada Tselemti.

Wajiga kowaad ee dib u soo celinta, waxaa guryahoodi ku laabtay ku dhawaad 1,500 barokacayaal ah, inkasta oo wajiga labaad ay ku timid dib u dhac kadib markii khilaaf soo kala dhex galay odayaasha gobolka Amxaarada iyo saraakiisha ciidanka.

Kadib markii xal la gaaray khilaafkaas, waxaa lagu guuleystay in dib u dejin loo sameeyo dad gaaraya 2,200 oo barokacayaal ah kuwaas oo la geeyay degmada Tselemti.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa Khamiisti lasoo dhaafay uga warbixiyay Baarlamaanka dalkaas, sida uu ku socdo qorshaha dib u soo celinta barakacayaasha, wuxuuna tilmaamay in caqabado ay ka jiraan dhanka Raya ee Koonfurta gobolka Tigray inkasta oo guul la gaaray dhanka Tselemti ee Waqooyi-galbeed ee isla gobolka.

Dagaalladii lagu hoobtay ee ka socday labadii sano ee lasoo dhaafay dowlad deegaanka Tigray ayaa sababay in ay gobolka ka qaxaan dad tira badan kuwaas oo u barakacay gobollada kale ee dalka iyo wadamada deriska la ah Itoobiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here