Hargeysa (Dawan) – Gudiga Abaaraha ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay heleen gargaar lacageed oo dhan $700,000 oo ay ku taageertay Dowladda Federaalka Soomaaliya, si wax loogu qabto dadka ay saameeyeen abaarta ka jirta gobolka Awdal.
Sheikh Maxamed Cali Geedi, gudoomiye ku xigeenka guddiga abaaraha, ayaa sheegay in tallaabadani ay muujinayso dhaqanka walaaltinimo ee ka dhexeeya shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in mar kasta marka ay dhibaatooyin ka dhacaan qaybo dalka ka mid ah la isku gurmado.
“$700,000 ayey noo soo dirtay Dowladda Federaalka, waana macawino abaaraha loogu talagalay. Dhaqanka noocan ah wuxuu inoo jiray had iyo jeer marka ay abaaruhu dhacaan, in aan isku gurmano,” ayuu yiri Sheikh Maxamed Cali Geedi.
Lacagtaan ayaa kala xukuumadda dowladda dhexe oo ku dheeqday lacag dhan 500,000 oo doollar halka 200,000 ee kale uu ku dheeqay gobolka Banaadir, talaabo muujineysa is-garab istaagga xaaladaha adag iyada oo siyaasadda lagu kala duwan yahay.
Abaarta ka taagan gobolka Awdal ayaa qayb ka ah xaalad bani’aadanimo oo baahsan oo ka jirta gobollada waqooyi, halkaas oo roobabkii xilliyada la filayay aysan ka di’in, sicir-barar sare u kacay, iyo kaabeyaasha nolosha oo liita ay sababeen in malaayiin qof ay halis ugu jiraan gaajo iyo barakac.
Gudiga ayaa sheegay in taageeradan ay qayb ka tahay garab istaagga dadka nugul ee abaartu saameysay, waxayna ballanqaadeen in lacagta loo adeegsan doono si hufan, iyadoo la gaarsiin doono dadka ay ugu baahida badan tahay.