Muqdisho (Dawan)- Ku dhawaad khilaaf soo socday sanad iyo ugu yaraan siddeed bilood oo wadaxaajood ah kadib, waxay Soomaaliya iyo Itoobiya ku dhawaaqeen inay ku heshiiyeen in laga gudbo arrimihii keenay khilaafka oo ahaa is-afgaradkii dhexmaray Abiy Axmed iyo Muuse Biixi horaantii sandkan. Ujeedka is-afgaradkaas waxa uu ahaa in Itoobiya iyo Somaliland is waydaasradaan bad iyo aqoonsi.
Waxaan kula wadaagayanaa dhowr qodob oo ka muuqday war-murtiyeedkii laga soo saaray heshiiski ay wada gaareen Addis Ababa iyo Muqdisho ee ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Is-waafajinta masaalixda Soomaaliya iyo Itoobiya
Tan iyo markii uu soo shaacbaxay khilaafka labada dal, Soomaaliya waxay ku adkeysatay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la dhowro midnimadeeda dhuleed iyo qaranimadeeda. Waxay caalamka ka dhaadhicisay in tallaabada Itoobiya ay ka dhigantahay is ballaarin iyo dhul doon.
Dhanka kale, madaxda Itoobiya wxay dhowr jeer ku celceliyeen inaysan noolaan karin casriga lagu jiro bad la’aan. Turkidu waxay ku guuleysteen in la is waafajiyo labada masalaxooda, taas oo ka dhigan in Itoobiya loo damanaad qaaday inay hesho bad ay u mareyso hannaanka waafqsan xeerarka caalamiga ah ee ay Soomaaliya ku doodeysay.
Dib u dhaca aqoonsiga Somaliland
Go’aanki uu qaatay Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha xilka ka degay ee Somaliland, ee ahaa in badda lagu bedesho aqoonsi, waxa uu u muuqdaa mid ugu yaraan aan hirgeli kain xilliga lagu jiro, dhowr sababbood awgood. Waa marka koowaade, Itoobiya waxay hadda heshay damaanaad qaad ku saabsan sidii ay u heli lahay bad ku kooban ” ganacsi”. Waa tallaabo ay uga bixi karto qayb ka mid ah baahidi ay u qabtay inay badda gaarto. Marka xiga, Somaliland hadda waxaa la wareegay xisbi cusub oo ka siyaasad iyo aragti ahaan ka duwan xisbigii soo xakumayay 14kii sano ee lasoo dhaafay. Dad badan oo ka ag dhaw xisbiga Waddani waxay qabaan in aqoonsiga caalamiga ah lagu raadi doono hannaan ka duwan sidii hore, lana jaan qaadi kara xilliga lagu jiro.
Sidoo kale, Itoobiya way tijaabisay inaan badda Soomaaliya lagu helin karin qaab ka duwan in loo soo maro dowladda dhexe, mana u muuqato inay markale dooneyso inay isku soo jeediso indhaha caalamka, inkasta oo aysan jirin wax mustaxiil ah, marka la joogo siyaasadaha dowladaha.
Goolka Erdogan iyo kaalinta Turkiga
Heshiiskan waxaa lagu gaaray waregga seddexaad ee wadahadallada labada dhinac ee soo socday siddeedi bilood ee lasoo dhaafay, waxaana garwadeen ka ahaa dowladda Turkiga oo xiriir wanaagsan la leh labada dal.
Erdogan oo mar ahaan jiray laacib kubadda cagta ah, hadda waxa uu dhaliyay gool siyaasadeed, kaas oo usii xoojinaya galaan-galkii uu ku lahaa qaaradda Africa iyo maqaamkiisa dunida kale.
Warbaahinta dunidu, waxay maanta ka simantahay baahinta sawirka Erdogan oo labadiisa garab ay taaganyihiin Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo fagaaraha siyaasadda ku coleysnaa ku dhawaad sanad.
Warbaahinta dalkiisu waxay u sawirayaan inuu yahay hoggaamiye ka badbaadiyay Geeska Afrika dagaal hor leh oo saamayn lahaa bulshada ku dhaqan iyo kuwa deriska la ah.
Sida uu sheegay madaxweyne Erdogan, heshiiskan waxa uu ku yimid kalsoonida ay Soomaaliya iyo Itoobiya u hayaan Turkiga oo ah saaxib dhow oo la isku halleyn karo.
Africa isma xallin karto
Urur goboleedka IGAD iyo Urur waynaha Midowga Africa, waa laba madal oo ay kawada tirsanyihiin Soomaaliya iyo Itoobiya balse labaduba maysan qaadin tallaabooyin la sheegi karo oo wax looga qabanayay khilaafka labada dal ee deriska ah.
Xooggoodu waxa uu kusoo koobmay cambaareyn, ka digid iyo ugu dambayn maanta oo ay soo saarayn farriin ay Turkiga ugu hambalyeynayaan inuu kasoo baxay howl ay ahayd inay iyagu qabtaan xilli hore.
Arrintan waxay beenineysa oraahdii ahayd ” Dhibka Africa, waxaa looga gudbi karaa xal ka yimd gudaheeda” waxaana muuqata inaan laga maamrmi karin dadaallada dibadda ee yareyn kara xiisadaha ka jira gudaha africa.
Isku soo duubo, maalmaha soo socda, waxaa laga fadhiya labada dowladood inay furaan albaabada diblomaasiyadda ee horay u xirmay, si loo sii amba qaado tallaabooyina ka dhiman heshiiska oo loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo muddo afar bilood ah oo ka billabaneysa bisha February ee sanadka 2025.