Monday, June 9, 2025
Array

Africa oo Mareykanka ugu baaqday wadahadal

By Abdullahi Salad

Midowga Afrika ayaa ka walaacsan go’aanka Mareykanka ee xanibaadda safaradda qaar ka mid ah dalalka Afrika.


Qoraal uu soo saaray Midowga Afrika 5-tii bishaan ayaa lagu muujiyay walaaca ka dhashay xanibaadda cusub ee uu Mareykanku soo rogay, iyagoo ugu baaqay Mareykanka in uu wadahadal la yeesho dalalka ay xanibaaddu saameysay.


Midowga Afrika ayaa sidoo kale sheegay in go’aankan Mareykanka uu saameyn ku yeelan karo xiriirka labada dhinac, sida waxbarashada, ganacsiga, xiriirka diblomaasiyadeed, iyo danaha guud ee ku aaddan xasilloonida, barwaaqada, iyo iskaashiga caalamiga ah.


“Gudiga Midowga Afrika ayaa si ixtiraam leh ugu baaqaya dowladda Mareykanka inay xaqaasi ku dhaqaaqdo si miisaan leh, ku salaysan caddeymo, iyo in ay ka tarjumeyso iskaashiga dheer ee ka dhexeeya Mareykanka iyo Afrika,” ayaa lagu yiri qoraalka.


Mareykanka ayaa soo saaray go’aankaan oo dalal badan oo Afrika ku yaal uu ka mamnuucayo inay galaan dalkiisa, dalalkaas waxaa ka mid ah: Soomaaliya, Chad, Equatorial Guinea, Haiti, Eritrea, Libya, iyo Sudan.


Sidoo kale, dalalka kale ee qeyb ahaan looga mamnuucay gelitaanka Mareykanka ayaa badankood ka tirsan Afrika.


Mareykanka ayaa howl-gallo military ka fuliya dalal badan oo Afrika ku yaal, sida Soomaaliya, oo ay duqeymo ka fuliyaan, isla markaana tababaro siiyaan ciidamada Danab, kuwaas oo ay qalab badan siinayaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here