Tuesday, August 12, 2025

AFRICOM oo sheegtay inay duqeymo isdaba joog ah ka fulisay Bariire

Bariire (Dawan) – Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay inuu fuliyay duqeymo isdaba joog ah oo ka dhan ah ururka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose intii u dhaxeysay 1-da ilaa 8-da August, 2025.

Bayaanka uu soo saaray taliska Isniintii ayaa lagu sheegay in duqeymaha lagu qaaday deegaanka Bariire. “Duqeymuhu waxay taageerayeen hawlgal dhulka ah oo ay hoggaaminayeen ciidamo saaxiib ah oo beegsaday argagixisada aaggaas,” ayaa lagu yiri bayaanka.

AFRICOM ayaa sheegay in howlgalkaasi, oo lala sameeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidanka qalabka sida, uu ujeedkiisu ahaa in lagu wiiqo awoodda Al-Shabaab ee qorsheynta iyo fulinta weerarro ka dhan ah Soomaaliya, gobolka, iyo danaha Mareykanka ee dibadda.

Ku dhawaaqista AFRICOM ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ciidanka dowladda Soomaaliya, oo ay garab siinayaan ciidamada Uganda ee ka tirsan Howlgalka Kumeelgaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ay Jimcihii la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib hawlgal toddobaad socday. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in howlgalkaas lagu dilay in ka badan 100 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah, halka kuwo kalena lagu qabtay nolol.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here