Monday, June 2, 2025

Mareykanka oo laba jibaaray duqeymaha Alshabaab iyo Daacish

Nairobi, Kenya  – Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa Command (AFRICOM), General Michael Langley, ayaa sheegay in Mareykanka uu kordhiyey dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha jihadiyaadka ee Bariga Afrika, iyagoo taageero ka helaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Langley ayaa hadalkaan ka sheegay shir jaraa’id dijitaal ah 30 May 2025 xilli uu kaga warbixinayey Shirweynaha Hogaamiyeyaasha Difaaca ee Afrika 2025 ee Nairobi ka qabsoomay.

Waxa uu xaqiijiyay in AFRICOM ay sanadkan gudaheed ka fulisay in ka badan 25 duqeyn hawada ah, taasoo ah laba jibaar tirada duqeyntii la sameeyay sanadkii hore, iyadoo qayb ka ah dadaallada lagu baabi’inayo al-Shabaab iyo Daacisha Soomaaliya.

Wuxuu adkeeyay in ilaalinta rayidka ay tahay mudnaanta koowaad ee AFRICOM, isagoo xusay in maamulka AFRICOM uu haysto heerarka ugu sarreeya ee ilaalinta rayidka ee gobolka.

Langley ayaa sidoo kale ka hadlay walaacyada la xiriira maalgelinta Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), isagoo aqoonsaday caqabadaha jira laakiin mar kale caddeeyay sida Mareykanku uga go’an yahay xoojinta ciidamada amniga Soomaaliya iyo xaqiijinta xasilloonida muddo dheer ee gobolka.

Xilli uu ka jawaabayey su’aalo ku saabsan awoodda Daacishta Soomaaliya iyo al-Shabaab, General Langley ayaa sheegay in duqeymaha Mareykanka ay si weyn u daciifiyeen maamulkii iyo hogaaminta labada kooxood, isla markaana ay taageerayaan hawlgallada ciidanka Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here