Sunday, July 27, 2025

AFRICOM oo xaqiijisay inay fulisay howlgalka ka dhanka ah Daacish

Garoowe (Dawan ) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa Sabtidii si rasmi ah u xaqiijiyay in ciidamadoodu ay 25-ka Luulyo ka fuliyeen howlgal ka dhan ah shabakadda Daacishta Soomaaliya, iyagoo la kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaanka AFRICOM ayaa lagu sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada socda ee lagu wiiqayo awoodda kooxda Daacish ee Soomaaliya si aysan u abaabulin weerarro halis gelin kara danaha Mareykanka, amniga caalamiga ah, iyo xasilloonida gobolka.

“AFRICOM waxay iyadoo kaashanaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, 25-ka Luulyo howlgal ka dhan ah kooxda Daacish ka fulisay gudaha Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Inkasta oo AFRICOM aysan shaacin bartilmaameedka tooska ah ee weerarka, haddana Puntland ayaa Jimcihii ku dhawaaqday in ay gacanta ku dhigeen Cabdiweli Maxamed Aw Yuusuf—oo loo yaqaan Cabdiweli Walalac—kaas oo ay ku tilmaameen madaxa maaliyadda iyo xiriirka dibadda ee Daacish Soomaaliya.

Howlgalka ayaa la sheegay in uu ka dhacay deegaannada buuraha ah ee Laag iyo Xumbeys ee gobolka Bari, halkaas oo kooxda Daacish ay saldhigyo ka sameysatay.

Taliska Howlgallada Ladagaallanka Argagixisada ee Puntland ayaa sheegay: “Ciidamada ammaanka ayaa qabtay Cabdiweli Walalac, madaxa maaliyadda Daacish iyo isku duwaha dagaalyahannada ajnabiga ah, inta lagu guda jiray howlgal si xirfad leh loo fuliyay.”

In kasta oo Puntland ay sheegtay in Mareykanku ka qeyb qaatay howlgalka, haddana ma jirto caddeyn sawir ah ama xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan xarigga Cabdiweli Walalac, AFRICOM-na wali ma aysan xaqiijin.

AFRICOM ayaa hoosta ka xariiqday muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta kala dhaxaysa dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo xasilloonida muddada fog ee Geeska Afrika, waxayna ballanqaadeen inay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah kooxaha ka dagallama Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here