By Sayyid Omar
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay in 25kii bishan ay fuliyeen duqeymo cirka ah oo ka dhan ahaa kooxda Daacish.
Taliska ayaa sheegay in weerarrada ay ka dhacay Buuraha Golis, oo ah dhul buuraley ah oo ku teedsan waqooyiga Soomaaliya, kaas oo muddo dheer xarun u ahaa kooxda Daacish.
Qoraal ka soo baxay taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in qiimeynta hordhaca ah ay muujinayso in lagu dilay dhowr xubnood oo ka tirsan Daacishta Soomaaliya, iyadoo aanay jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.
“ISIS-ta Soomaaliya waxay muujisay rabitaan iyo awood ay ku weerarto ciidamada Mareykanka iyo kuwa ay bahwadaagta yihiin,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska AFRICOM, iyagoo intaas raaciyay, “Kooxdani waxay si joogto ah halis ugu tahay amniga iyo danaha Mareykanka.”
Howlgalkan ayaa muuqda mid qeyb ka ah taxane duqeymo ah oo dhawaanahan lala beegsanayay xubnaha kooxda Daacish ee Soomaaliya.
AFRICOM ma aysan shaacin faahfaahin gaar ah oo la xiriirta weerarradii Talaadada, iyadoo sabab looga dhigay ilaalinta amniga iyo xogta sirta ah ee howlgalka.