Asmara (Dawan)- Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa waraysi uu siiyay warbaahinta gudaha kaga hadlay Shirweynihii Saddex-geesoodka ahaa ee bishii October lagu qabtay magaalada Asmara. Shirkaas oo ay ka soo qeybgaleen hoggaamiyeyaasha Eritrea, Masar, iyo Soomaaliya, ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan xasilloonida gobolka, iskaashiga istiraatiijiyadeed, iyo ixtiraamka wadajirka ah ee dalalka dariska ah.
Madaxweyne Isaias ayaa si cad u sheegay in shirkaasi aan loogu tala gelin in lagu dhibaateeyo Itoobiya, isaga oo awoodo shisheeye dusha u saariyay inay abuuraayan dacaayado uu ku tilmaamay “marin-habaabin” iyo “been-abuur” Wuxuu carrabka ku adkeeyay in shirkaas uu ahaa dadaal loogu talagalay sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo wadajirka Geeska Afrika.
“Shir-weynihii Saddex-geesoodka ahaa ee lagu qabtay Asmara ma hayn wax itoobiya lagu dhaawcayey ee waxa uu uu aha wax u adeegayay Geeska Afrika”, Afwerki, ayaa sidaas ku sheegay wareysiga.
Dadaallada Horumarinta Iskaashiga Gobolka
Madaxweynaha Eritrea ayaa shirka ku tilmaamay mid muhiim ahaa oo lagu taageerayo yoolal waaweyn, sida xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee gobolka Geeska Afrika, Harooyinka Nile, iyo degaanka Badda Cas. Isaga oo ka jawaabaya wararka sheegaya in Eritrea ay ku lug leedahay waxyeello kasta oo Itoobiya gaarsiisan, ayuu ku adkeeyay sida ay Eritrea uga go’an tahay dhisidda kalsooni iyo iskaashi.
Shirweynaha ayaa sidoo kale xoogga saaray muhiimadda ay leedahay iskaashiga amniga ee dalalka xeebaha Badda Cas iyo marin biyoodka muhiimka ah ee Bab al-Mandab. Waxaa lagu heshiiyay in la dhiso guddi saddex geesood ah oo ka kooban wasiirrada arrimaha dibadda ee Eritrea, Masar, iyo Soomaaliya, kuwaas oo u xilsaaran sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee istiraatiijiyadda gobolka.
Mowqifka Eritrea ee Nabadda Gobolka
Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa tilmaamay inay jiraan dacaayado la fidiyay oo lagu doonayo in lagu wiiqo guulaha laga gaaray shirka, waxa uuna xusay in dalkiisu diyaar u yahay ka shaqeynaya sidii loo heli lahaa nabad iyo horumar wadajir ah oo dan u ah dhammaan dadka ku nool gobolka.
Shirkan, oo ka dhacay waqti ay jiraan xiisado siyaasadeed iyo isbeddello istiraatiijiyadeed oo ka socda gobolka, ayaa loo arkay mid ka dhan ah Itoobiya balse Afwerki ayaa aaminsan inuu ahaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga Geeska Afrika iyo ilaalinta marin-biyoodyada caalamiga ah.