Tuesday, April 8, 2025

Amiir oo lagu bedelay Madaale lagana sugaayo doorasho dadwayne

Muqdisho (Dawan)- Maxamed Axmed Amiir, ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday Villa Somalia.

Amiir waxa lagu bedelay Yuusuf Xuseen Jimcaale oo xilkan soo hayay tan iyo bishii September 2022, waxayna magacaabistiisa kusoo beegmeysa iyada oo magaalada ay ka jiraan dhibaatooyin isagu jira dhanka amniga iyo dhaqaalaha.

Sida lagu sheegay wareegtada madaxtooayda, Amiir waxa uu aqoon durugsan u leeyahay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada, iyo maamulka.

Guddoomiyaha cusub , waxaa la faray inuu si gaar ah u xoogga saaro horumarinta magaalada Muqdisho, isaga oo diiradda saaraya dhammeystirka qorshayaasha bilicda magaalada, baahinta adeegyada aas-aasiga ah iyo hubinta in amniga magaalada la adkeeyo. Waxaa kale oo lagu amray in uu ka shaqeeyo sidii bulshada Caasimadda ay u heli lahayd doorasho dadweyne oo xor ah oo waafaqsan sharciga.

“Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Iyo Duqa Muqdisho in uu sii dhammeystiro qorshayaasha horumarineed ee Caasimadda, isaga oo mudnaanta siinaya horumarinta magaalada, gaarsiinta bulshada Caasimadda doorasho dadweyne, sare u qaadista bilicda caasimadda, baahinta adeegyada aas-aasiga ah iyo adkeynta amniga” ayaa lagu yiri wareegatada magacaabistisa

Magacaabista Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho ayaa muhiimad gaar ah u leh maamulka magaalada Muqdisho, iyadoo la filayo in isbedelka cusub uu kaalin muhiim ah ka qaato hagaajinta xaaladda magaalada iyo sii wadista qorshayaasha horumarineed ee la xiriira adeegyada aasaasiga ah iyo bilicda caasimadda.

Tallaabada ugu muhiimsan ee maamulka cusub laga sugayo ayaa ah sidii dadwaynaha gobalka Banaadir iyo caasimadda Muqdisho u heli lahaayeen maqaamkooda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here