Thursday, December 19, 2024

Ankara maxaa ka socda? Yaa jooga? Maxayse tahay natiijada laga fili karo?

Ankara (Dawan)- Ankara maxaa ka socda? Yaa jooga? Maxayse tahay natiijada laga fili karo? Waxaa qoray, Wasiirki hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad.

Ankara waxaa ku sugan laba wafdi oo Soomaaliya iyo Ethiopia ka socda oo labaduba martiqaad ka helay Madaxweynaha Turkiga Erdogan.

Ka dib marka uu Madaxweynaha martida loo yahay uu midba gooni ula kulmo ayaa la filayaa in labada Hoggaamiye Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed ay fool ka fool isu arkaan ayada oo uu goobjoog yahay Madaxweynaha Turkigu.

Galabta iyo caawa ayaa la filayaa in fadhiyada xasaasiga ahi ay qabsoomaan.

Wafdiga culus ee Madaxweynaha Soomaaliya uu hoggaaminayo waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Daud Aweys, La Taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin,
Axmed Jaamac Cillal oo ah la Taliye Sare oo Madaxweyne, madax sare oo xagga amniga ah iyo khubaro ay ka mid yihiin sharciyaqaanno.

Ma jirto cid qiyaasi karta waxa ka soo baxaya wadahadalka maaddaama aanuu weli billaaban, hase yeeshee, waxay rajadu tahay in Mowqifka Soomaaliya uu meelmaro, si meesha looga saaro khilaafka labada dal ee jaarka ah Soomaaliya iyo Ethiopia.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here