Muqdisho – Agaasinka Waxbarashada ee Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay waqtiga rasmiga ah ee uu bilaabanayo Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Dhexe, kaasoo loo qorsheeyay inuu bilowdo Isniinta, 9-ka Juun 2025, guud ahaan gobollada dalka.
Wargelin rasmi ah oo ka soo baxday Agaasinka ayaa lagu ogeysiiyay dhammaan ardayda, waalidiinta, maamulada dugsiyada iyo guud ahaan bahda waxbarashada, in ay si buuxda ugu diyaar garoobaan imtixaanka fasalka 8-aad.
“Waxaan u rajaynaynaa dhammaan ka qaybgalayaasha guul, waxaana xusuusinaynaa muhiimadda taariikhda imtixaanka,” ayuu yiri Agaasimaha Waxbarashada ee Gobolka Banaadir oo ka hadlayay muhiimadda diyaar garowga ardayda iyo dugsiyada.
Sanadkii hore ee 2024, tirada guud ee ardayda u fariisatay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Dhexe waxay ahayd 34,792 arday, iyadoo 32,689 ka mid ah ay imtixaankaasi ku guuleysteen.
Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga dhexe ayaa ka mid ah tallaabooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tayaynayso nidaamka waxbarashada, iyadoo la mideynayo hannaanka imtixaanada iyo shahaadooyinka ardayda.