Monday, July 21, 2025

Dowladda oo sheegatay dilka 120 Xubnood oo Al-Shabaab ah

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay  in 72-dii Saac ee lasoo dhaafay  al-shabaab  ay ka dileen xubno aad u badan oo ay horjoogayaal  ku jiraan.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi  ayaa war-saxaafadeed,ku sheegay in  Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Nabad sugiga iyo kuwa deegaanka ay 72-dii saac ee lasoo dhaafay  howlgalo kala duwan ku dileen  120xubnood oo al shabaab katirsan.

Guud ahaan 72-dii saac ee lasoo dhaafay kooxaha qawaarikhta dhibaato xoog leh ayaa      la gaarsiiyay,  wax  kabadan 120  caanaasirtoota kamida ayaa halkaas ku nafwaayay”Axmed macalin Fiqi wasiirka Gaashaandhiga

Wasiirka ayaa sheegay in dukheymo   laga  fuliyay xalay  jubadda-hoose ,lagu dilay   30 xubnood oo alshabaab katirsanaa, halka qaar kalana uu sheegay in ciidanka ay gacanta ku dhigeen.

Axmed macalin Fiqi waxa uu war-saxaafadeedkiisa ku sheegay in gacanta ciidanka   nabad sugida uu ku baxay,xubin muhiim u ahaa al-shabaab, kaas oo u qaabilsanaa  madaafiicda magaalada muqdisho lagu soo tuuro .

Wasiirka gaashaandhiga waxa uu sheegay in haataan uu dagaal ka socda  deegaano  udhaxeeya gobolada hiiraan iyo shabeelada dhaxe, halkaas oo alshabaab  lagala wareegay deegaanadii ay kaga sugnaayeen.

Wasiirka ayaa  ugu danbeen udiray qaar kamida xubnaha mucaaradka ah , kuwaas oo uu uga digay in ay joojiyaan hadaladda niyad jabka ku ah  ciidamada dagaalka kula jira alshabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here