Kampala, Uganda – Munaasabadda lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Ka-hortagga Miinada, Ku-simaha Madaxa Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Sivuyile Bam, ayaa mar kale xaqiijiyay sida Midowga Afrika ay uga go’an tahay ka taageerista Soomaaliya la dagaallanka halista walxaha qarxa ee ay adeegsadaan kooxaha hubeysan ee dowlada dagaalka kula jira.
Bam ayaa inta uu ka hadlayay munaasabadda adkeeyay baahida degdegga ah ee loo qabo ilaalinta dadka shacabka ah iyo sidii nabad waarta iyo horumar looga dhalin lahaa Soomaaliya iyo caalamkaba. Wuxuu ku adkeeyay in la sii wado iskaashiga caalamiga ah ee ka dhanka ah halista miinada.
Bam ayaa sidoo kale Hay’adda Miino-saarista ee Qaramada Midoobay (UNMAS) ku amaanay taageeradeeda soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka miinada, isagoo tilmaamay khibradaha farsamo, dadaallada awoodda-dhisidda, iyo qalabka gaarka ah ee ay siiso Ciidanka Amniga Soomaaliya iyo AUSSOM.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan QM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabbilsan Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Yuusuf Cali, iyo Madaxa Barnaamijka ka hortagga Miinooyinka ee QM, Fran O’Grady.