Thursday, April 17, 2025
Array

AUSSOM oo Cambaaraysay Weerar AS ku Qaaday Ciidamadeeda Burundi

Muqdisho – Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si kulul u cambaareeyay weerar ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen ciidamadeeda ku sugnaa deegaanka Buurane ee degmada Mahaday, Hirshabelle.

War-saxaafadeed ay soo saartay ayaa lagu sheegay in weerarku dhacay xilli ciidanka Midowga Afrika ay diyaarinayeen meel ay ku degi lahayd diyaarad helicopter ahayd. Waxay intaan AUSSOM ku dartay in ay si degdeg ah uga falceliyeen weerarka, kuna guuleysteen inay iska difaacaan isla markaana hal dagaalami ay ka dileen kooxda weerarka soo qaaday.

Sivuyile Bam, oo ah Ku-simaha Madaxa AUSSOM, ayaa sheegay in weerarada nuucaan ah aysan ka hor istaagi doono go’aankooda ah in Soomaaliya ay hesho nabad waarta.

“Falka fulaynimada ah ee ah in miinooyinka dhulka la dhigo looma adeegsan doono si looga hor istaago go’aankeenna ah in Soomaaliya hesho nabad waarta oo ay dadkeedu muddo dheer u hanweynaayeen,” ayuu yiri Ku-simaha Madaxa AUSSOM, Sivuyile Bam.

Wuxuu intaa ku daray in AUSSOM ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab.

Sidoo kale, wuxuu ammaanay ciidanka Burundi ee AUSSOM ka tirsan sida ay sida ay uga falceliyeen weerarka, taasoo uu sheegay in ay keentay in khasaaraha la yareeyo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here