Muqdisho, Soomaaliya – Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa 20-March- 2025 si kulul u cambaareeyay weerar hoobiyayaal ah oo ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde iyo xaafado u dhow, weerarkaas oo sababay burbur iyo cabsi baahsan sida ay sheegtay AUSSOM.
War-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay AUSSOM ayaa lagu tilmaamay weerarka mid “waxshinimo ah” oo si toos ah loogu beegsaday dad rayid ah, taas oo ay sheegeen in ay muujinayso ixtiraam la’aanta ay Al-Shabaab u hayso nolosha aadanaha.
“Weerarradan aan loo meel dayin ee lagu qaaday goobaha rayidka ah waxay muujinayaan heerka niyad-jabka ee Al-Shabaab, iyadoo cadaadis xooggan kaga imaanaya ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo saaxiibadooda caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Sivuyile Bam, Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ahna Madaxa KMG ah ee AUSSOM, ayaa carabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay taageerada dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaan garab taagan nahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, dadaalladooda ku aaddan nabad waarta iyo xasillooni buuxda,” ayuu yiri Bam.
AUSSOM waxay sidoo kale tacsi u dirtay qoysaska dadkii ku waxyeeloobay weerarka, waxayna u rajeeyeen dhaawacyada in ay si degdeg ah uga bogsadaan.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay socdaan howlgallo ballaaran oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibadooda, si loo wiiqo awoodda Al-Shabaab, oo ah koox si rasmi ah loogu aqoonsan yahay urur argagixiso caalami ah.