Thursday, April 17, 2025
Array

AUSSOM oo Sagootisay Saraakiil Ka Tegaya Soomaaliya

Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa Shalay Sagootin u Sameeyey Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Booliska Ghana ee ka Tageya Soomaaliya

Munaasabad abaalmarin ah oo ka dhacday Baidoa, ayaa Taliyaha Booliska AUSSOM, Hillary Sao Kanu, ku amaanay saraakiishii ciidamada Ghana dadaalkooda iyo howlkarnimadooda muddada sanadkii ay joogeen Soomaaliya.

“Dadaalkooda ayaa muhiim u ahaa horumarinta muuqaalka amniga Soomaaliya, waana la xusuusan doonaa dadaalkooda sidii uu qayb kaga ahaa isku xirnaanta wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo nabad,” ayaa tiri AIGP Hillary Sao Kanu.

Hillary Sao Kanu,waxay adkeysay muhiimadda iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya,AUSSOM, Qaramada Midoobay ,iyo Maamulka Koonfurta Galbeed Soomaaliya ee la dagaallanka kooxaha ka dagaallama Soomaaliya si loo hubiyo amniga shacabka Soomaaliyeed. Munaasabadda waxaa ka qayb galay wakiil ka socda Taliyaha Booliska Ghana, Taliyaha Booliska (#DCOP) Desmund Boampong, Taliyaha Waaxda 3-aad, Janaraal Besfat Fente, iyo mas’uuliyiin sare oo ka socday AUSSOM iyo Qaramada Middobay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here