Wednesday, September 3, 2025

Austria oo Muqdisho dib ugu Soo Celisay Muwaadiniin Soomaali ah

Soohoyde

Viena, (Dawan) – Austria ayaa ku dhawaaqday in ay dalkooda  dib ugu soo celisay labo nin oo Soomaali ah, kuwaas oo horey loogu xukumay dambiyo ka dhacay gudaha Austria. Tani ayaa ah markii ugu horreysay muddo 20 sano ah kadib oo ay Austria dib usoo celiso muwaadiniin Soomaali ah, taas oo dhacday Talaadadii, Sebtember 2, 2025.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Austria ayaa xaqiijisay in labada nin laga soo dejiyay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kadib markii ay dhammeysteen xukunadooda, kaas oo ku saabsanaa fal dambiyeedyo la xiriira maandooriyaha.

Arrintan waxay qayb ka tahay siyaasadaha adag ee magangelyo doonka ee Austria, waxaana loo arkaa mid caddaalad ah oo waafaqsan sharciga,” ayaa lagu sheegay warbixinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Ma jiraan wax faahfaahin ah oo la xiriira magacyada ama sawirrada labada nin ee  dalkooda dib loogu soo celiyay, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Austria, ma bixin magacyadooda ama sawirradooda.

Austria ayaa noqoneysa mid ka mid ah waddamada ugu horeeya ee Yurub ee fulinaya soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed. Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii la bilaabay barnaamijka soo celinta, Austria waxay ka mid noqotay wadamada Yurub ee si firfircoon uga qayb qaadanaya dib u celinta dadka ku sugan gudaha dalka ee loo arko in ay ku kacaan dambiyo.

Majalada The European Conservative ayaa daabacday in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay noqdeen dadka saddexaad ee ugu badan ee dalbada magangelyada  Austria, iyadoo la soo gudbiyay 648 codsi intii lagu guda jiray bilooyinkii ugu horeeyay ee sanadkan.

Heerka ogolaanshaha codsiyada magangelyo ee Soomaalida ayaa hadda gaaraya 44%, taasoo muujineysa koror ku yimid tirada Soomaalida ee ka dalbanaysa magangelyo gudaha Austria. Ilaa iyo hadda, 2025, 463 muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa magangelyo ka helay dalkaas, sida ay majaladu sheegtay.

Sikastaba Austria waxay si cad u muujineysaa inay sii wadi doonto siyaasadda adag ee magangelyo doonka, iyadoo si firfircoon ugu dhaqaaqday sidii ay uga hortagi lahayd kuwa ku xadgudba shuruucda dalka.

Tallaabadan ayaa sidoo kale qeyb ka ah siyaasadda guud ee Dowladda Austria ee ku wajahan dadka soo galootiga ah, iyadoo dhawaan dib loogceliyay qof asal ahaan u dhashay Suuriya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here