Thursday, May 8, 2025

Baarlamaanka Soomaaliya oo u Baaqday Kooram la’aan

MUQDISHOm Soomaaliya – Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa baaqday kadib markii aan la helin kooramkii buuxa ee looga baahnaa in kulanku furmo, iyadoo Guddoomiyaha Golaha, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), uu si kulul ugu baaqay xildhibaanada inay ka soo qeyb galaan fadhiyada Golaha.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in 120 xildhibaan oo kaliya ay yimaadeen, halka dastuuriyan looga baahan yahay ugu yaraan 139 si kulanka u furmo. Wuxuu si gaar ah u dhaleeceeyay xildhibaannada ku sugan Muqdisho balse si joogto ah uga maqan kulamada Golaha.

“Xildhibaanada maqnaashiyaha u arka wax sahlan, isla markaana magaalada jooga misana aan imaan, waxaan uga baaqayaa inay u hoggaansamaan waajibaadka ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Guddoomiye Madoobe.

Baaqashada kulankan ayaa kusoo beegmaysa xilli khilaaf siyaasadeed uu ka dhex aloosan yahay Golaha Shacabka, kadib mooshin xilka looga qaadayo Guddoomiyaha oo salka ku haya go’aankii uu 15-kii Maarso 2025 xilka uga qaaday xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in maqnaanshaha xildhibaanada uu carqaladeynayo howlaha Baarlamaanka, isagoo ugu baaqay dhamaan xubnaha Golaha inay ka fiirsadaan saameynta ay arrintan ku leedahay haybadda iyo shaqada baarlamaaniga ah ee dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here