Saturday, June 21, 2025

Baarlamaanka Soomaaliya oo soo xiraya Kalfadhiga 6-aad

Muqdisho (Dawan) – Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay in Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka 11aad uu xirmi doono 22-ka Juun 2025, waxaana dib loo furi doonaa 22-ka Agoosto 2025.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Guddoonka Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in go’aankan uu yahay mid waafaqsan waajibaadka Dastuuriga ee Baarlamaanka.

Sida uu qeexayo Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka labada gole, waxay leeyihiin laba kalfadhi oo caadi ah sanadkiiba, iyadoo kalfadhigu uu soconayo ugu yaraan afar bilood.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee 11aad ayaa hadda muddo 3 sano ah ku guuleystay inuu qabto 6 kalfadhiyadood, waxaana hadda u harsan laba kalfadhi oo ku qabsoomi doona mudada 1-ta sano ee soo socota.

Kalfadhiga 7-aad ayaa la filayaa inay muhiim u noqon doonto Baarlamaanka, iyadoo la qorsheynayo in la horgeeyo wax ka beddelka shan cutub ee harsan ee Dastuurka, inkastoo weli ay jiraan dood iyo muran ku saabsan cutubyadii  hore ee Baarlamaanka ansixiyey.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here