By Asha Elmi
Jigjiga, Itoobiya – Shirweynaha Wadatashiga Bahda Ganacsiga ayaa 30 Maajo 2025 lagu qabtay magaalada Jigjiga, caasimadda Dowlad-Deegaanka Soomaalida (DDS), iyadoo mowduuca looga hadlayay ahaa “Doorka Bahda Ganacsigu Waa Lafdhabarta Barwaaqada Aan Hiigsanayno.”
Shirkaan ayaa uu furay Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Ibraahim Cusmaan Faarax, oo sheegay in ay jiraan fursado ganacsi oo weyn oo u baahan in ganacsatada deegaanka ay ka faa’iidaystaan. Wuxuu sidoo kale carabka ku dhuftay in ganacsatadu ay door muhiim ah ka ciyaarayaan hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee ganacsiga.
Ibraahim Cusmaan Faarax ayaa tilmaamay in horumar laga sameeyay abuurista suuq ganacsi xor ah iyo isbeddelada siyaasadda ganacsiga ee ka dhacay deegaanka.
“Si guud, deegaanka keenya waxay horey muhiimad ugu lahayd oo lagu faani jiray, todobadaas sano way noo qabsoomeen Waxaa ka mid ah ganacsiga xorta ah ee firfircoon, oo bulshada meel kasta ka gaari karto, laakiin horumar ayaa laga sameeyay arrimahaas. Sidoo kale, dhiirigelinta iyo siyaasadda lagu dhaqan gelinayo ganacsiga ayaa isbeddel weyn ku sameysay xaaladda.” Ayuu yiri Ibraahim Cusmaan Faarax.
Ganacsatada ka soo qaybgalay shirweynaha ayaa muujiyay inay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan horumarka dhaqaale ee gobolka, isla markaana ay la jaanqaadi doonaan dadaallada dowladda ee ku aaddan horumarinta ganacsiga.
“Waxaa la filayaa in koror uu ka dhaco guud ahaan dhaqaalaha dalka, taasoo wax badan ka tari doonta hoos u dhaca sicir-bararka iyo kororka maciishada, iyo guud ahaan horumarka la filayo.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Ruigta Ganacsiga Soomaaliya Axmed Xasan.
Shirku sidoo kale waxaa laga hadlay kobaca dhaqaale ee Itoobiya oo ay sheegeen in la filayo in uu kordho 7% sanadka 2025, taasoo ka caawin doonta hoos u dhaca sicir-bararka iyo kororka maciishada, iyada oo tani ay sheegen inay ttahay hoos u dhac weyn oo sicir-bararka ah muddo 10 sano ah, taasoo faa’iido u leh ganacsatada iyo shacabka guud ahaan.