Thursday, August 28, 2025

Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dayactirka biyo-xireenka Siigaale

Muqdisho (Dawan Africa) – Maamulka Gobolka Banaadir (BRA) ayaa Khamiistii dhagax dhigay dayactirka biyo-xireenka Siigaale ee degmada Hodan, mashruuc kaabayaasha magaalada ka tirsan oo lagu yareynayo khatarta fatahaadaha isla markaana lagu horumarinayo caafimaadka bulshada.
Mashruucan wuxuu qeyb ka yahay Nagaad Project (SURP-II) oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka, kaas oo lagu xoojinayo adeeg bixinta kaabayaasha magaalada iyo maamulka dowladaha hoose.
Biyo-xireenka Siigaale, oo ah kan ugu weyn Muqdisho (dhererkiisu yahay 90 mitir, ballaciisuna 40 mitir, qoto dheerna 4–6 mitir), muddo dheer ayuu khatar ku ahaa bulshada ku xeeran sababo la xiriira biyo fadhiya, daadad iyo qashin urursi.
Mas’uuliyiinta maamulka gobolka ayaa xusay in Warta Siigaale ay tahay biyo-qabad u tahay ilaa todobo degmo oo ka tirsan magaalada Muqdisho ah, taas oo ka dhigaysa dayactirkeeda mid muhiim u ah maareynta fatahaadaha iyo badbaadada bulshada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo ka hadlay munaasabadda, ayaa yiri:“Maanta dowladda hoose ee Xamar waxay ku guuleysatay iyadoo fulinaysa mashruuca Nagaad, in shaqo intan la eg laga qabto Warta, oo maalmo kadib ay noqoto biyo-xireen maaraysan oo shacabkii guryaha uu ka burburin jiray ama sababi jiray dhimashada xal xal loo helay.”

Dayactirka Warta Siigaale waxaa lagu maalgelinayaa qaybta Kaabayaasha Magaalada iyo Adeegyada ee Nagaad Project, taas oo miisaaniyad ahaan gaareysa $155 milyan, loona qoondeeyey waddooyinka iyo waraha biyo-xireennada magaalada. Shaqada dhismaha waxaa fulin doona shirkadda Buruuj Construction.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here