Muqdisho – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in si dhab ah loo la xisaabtami doono shirkadihii dhisay wadooyinka laamiga ah ee ku burburay roobabkii xoogganaa ee xalay ka da’ay magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay khasaare nafeed, burbur hantiyeed iyo carqalad ku timid isku socodka caasimadda.
Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar, ayaa warbaahinta u sheegay in roobabkii ka da’ay Muqdisho habeenkii xalay ilaa saakay ay sababeen dhimashada 7 qof — oo labo kamid ah ay yihiin dumar —burburka 9 guri, biyaha oo galeen guryaha ku dhawaad 200 qoys, iyo burburka lix waddo oo muhiim ah.
Waxaa uu xusay in maamulka gobolka iyo dowladda hoose ay si degdeg ah ugu howlgaleen gurmadka dadka ay saameeyeen roobabku, ayna booqdeen goobaha ugu daran si ay u qiimeeyaan xaaladda, una billaabaan nadiifinta wadooyinka.
Waxaa kale oo uu sheegay in roobkani ahaa mid aan horay looga baran magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in hay’adda saadaasha hawada SODMAC ay sheegtay in roob sidan oo kale ah ugu dambeysay Muqdisho sanadkii 1989.
Waxa uu sheegay afhayeenka in guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo safar shaqo ku maqan uu balan qaaday in lala xisaabtami doono shirkadaha dhisay waddooyinka aan u adkeysan karin roobabka, si loo hubiyo tayada.
“Waxa uu ballan qaaday in si dhab ah loo la xisaabtami doono shirkadaha dhisay waddooyinka laamiga ah ee burburka kasoo gaaray roobkii xalay ka da’ay magaalada Muqdisho.” Ayuu yiri afhayeenka Gobolka Banaadir.
Maamulka Banaadir wuxuu sidoo kale ugu baaqay ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed inay isu naxariistaan, isla markaana ka feejignaadaan saadaasha sheegaysa roobab kale oo laga filayo Muqdisho labada maalmood ee soo socda.