Muqdisho (Dawan) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bilaabay dhismaha waddada Saddexda Geed ee degmada Shangaani, taas oo qayb ka ah barnaamij ballaaran oo dib-u-dhis loogu sameynayo waddooyinka, lana fulinayo iyadoo loo marayo wajiga labaad ee Mashruuca Adkaysiga Magaalooyinka Soomaaliya.
Mashruucan, oo maalgelin ka helaya Sanduuqa Horumarinta Caalamiga ah (International Development Association) ee Bangiga Adduunka, ayaa waxaa loo saxiixay dhismihiisa 6-da Febraayo 2025 shirkadda BuruuJ Construction & Real Estate oo fadhigeedu yahay Muqdisho.
Mashruuca ayaa ah casriyeynta 3.94 kiiloomitir oo waddooyin ah, kuwaas oo kala ah Saddexda Geed, Nasiib Buundo, iyo Hamarweyne, kuna yaalla degmooyinka Xamarweyne, Shangaani, iyo Shibis. Heshiiska ayaa socon doona muddo 14 bilood ah, iyadoo qiimaha lagu saxiixay uu yahay USD 3,225,474.77 oo dollar, halka qiimaha lagu qiyaasay uu ahaa 2,597,000.62 oo dollar.
Munaasabadda dhagax-dhigga oo la qabtay maanta oo Khamiis ah, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in dib-u-habeynta waddooyinku ay tahay mudnaan gaar ah oo maamulka u yaalla, maadaama ay door weyn ka qaadato koboca dhaqaalaha, fududeynta isku-socodka, iyo soo celinta muuqaalka taariikheed ee magaalada Muqdisho.
“Dib-u-dhiska waddooyinka, oo ka mid ah kaabeyaasha dhaqaalaha ee muhiimka ah, wuxuu muujinayaa muhiimadda ay u leeyihiin Maamulka Gobolka Banaadir,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.
Wuxuu ugu baaqay bulshada inay ka qaybqaataan ilaalinta iyo dayactirka kaabeyaasha cusub, isaga oo sidoo kale ku boorriyay milkiilayaasha hantida burbursan ee Shangaani, hadday joogaan gudaha dalka ama dibadda, inay dib u dhistaan guryahooda. Guddoomiyuhu wuxuu ballan qaaday in maamulka uu ka shaqayn doono ka saarista caqabadaha sharci iyo kuwo farsamo ee hor istaagi kara horumarinta deegaanka.