Muqdisho (Dawan ) – Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ay wado qorshe lagu soo daabacayo lacag cusub oo Shilin Soomaali ah. Tani waa qayb ka mid ah isbeddellada dhaqaale ee uu taageerayo Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF).
Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa arrintan shaaciyay 31-dii Luulyo, xilli uu ka jawaabayay su’aalo ay weydiiyeen warbaahinta afka dowladda ku hadasha, kadib Shirka Sanadlaha ee Siyaasadda Dhaqaalaha oo uu Bangigu ku qabtay magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay in qorshuhu weli ku jiro marxaladda diyaarinta, isla markaana faahfaahin dheeraad ah la bixin doono marka la dhameystiro.
“Dowladdu waxa ay wadda qorshe lagu daabacayo lacag cusub,” ayuu yiri Guddoomiyaha, isagoo intaas ku daray in qorshuhu weli ku jiro marxaladdii hore ee farsamaynta, ayna jiri doonaan faahfaahin dheeraad ah marka hawsha la dhammeeyo.
IMF ayaa sidoo kale xustay qorshahan daabacaadda lacagta cusub ee Soomaaliya. War-saxaafadeed ay soo saartay 9-kii Luulyo 2025, kaddib markii Guddiga Fulinta ee IMF uu ansixiyay dib-u-eegistii saddexaad ee Barnaamijka ECF, ayuu Ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee IMF, Nigel Clarke, yiri:
“Mas’uuliyiintu waxay sii wadaan dadaalkooda dib-u-habaynta, inkastoo ay jiraan caqabado gudaha iyo dibadda ah. Waxaa muhiim ah in si taxaddar leh loo sii wado qorshaha lagu soo celinayo Shilin Soomaaliga, iyadoo la adeegsanayo nidaamka ‘currency board’,” ayuu yiri Clarke.
IMF waxay ballan qaaday inay Bangiga Dhexe ka caawin doonto dhinacyada farsamada, oo ay ku jiraan: naqshadeynta lacagta, hirgelinta siyaasadda lacageed, iyo xoojinta adeegsiga nidaamyada maaliyadeed ee dalka.
Sidoo kale, IMF waxay sheegtay inay taageereyso qorshaha Dowladda ee dib loogu soo celinayo Shilin Soomaaliga iyadoo la adeegsanayo nidaamka “currency board” — taas oo micnaheedu yahay in lacag kasta oo la daabaco ay yeelan doonto dammaanad lacageed oo qalaad (foreign reserves).
Soomaaliya ma aysan daabicin lacag rasmi ah muddo ka badan 30 sano, tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee 1991. Inta badan dhaqaalaha dalka waxaa hadda lagu isticmaalaa doollar Maraykan ah iyo adeegyada lacagaha mobilka, halka Shilin Soomaaliga jira uu yahay mid duugoobay ama been abuur ah.